Toban Sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Dab-demiska Oo Lagu dhaawacay iyagoo Gurmad Dab Ku Jira Xaafada Isteed Hawska [State House]

Hargeysa – (warsoor) – Tobaneeyo Saraakiil ka tirsan ciidanka dabdemiska oo lagu dhaawacay iyagoo gurmad dab ku jira xaafada Isteed Hawska [ State House ], waxaa se imika xaaladoodu sii darantahay Affar Sarkaal oo ka tirsan ciidanka dabdemiska, iyadoo ciidanka dabdemisku halkaa ugu baxay hawlgal dab isla markii lagu soo wargeliyayna ay ciidanka dabdemisku ay ku gaadheen wax ka yar Laba Daqiiqo.

Isla markii ciidanka dabdemisku ay gaadheen goobta waxaa ciidanku damiyeen dhiiladii dabka ahaa ee halkaa laga soo sheegay, isla ciidanka oo ku jira hawlagalkaa dabka ah ayaa koox dhalinyaro ah oo xaafadaa deggeni ay Qalalaase iyo rabshad ka sameeyeen goobtaas waxaanay la dagaalameen Saraakiishii ciidanka dabdemiska ee hawlgalkaa ku jiray waxaana halkaa ay ku dhaawaceen Tobaneeyo Ka tirsan ciidanka dabdemiska caasimada iyadoo imikana ay xaaladoodu culus Affar ka mida Ciidanka Dabdemiska Waxaana ilaa hadda Dhaawac Xun Isha Midig ka soo gaadhay Guuleed Carab Aadan oo Laxaadkiisa ku waayay Gurmadkaa Dabkaa.

Waxaa iyaguna dhaawacyo qaba Saraakiil kaloo badan oo ciidanka ah oo lagu waxyeeleeyay goobtaas oo imika lagu dawaynayo cusbitaalka Hargeisa International ee Magaalada Hargeysa.

Dhanka kale waxaa iyaguna halkaa ka hadlay Maamulka Ciidanka Dab-demiska Taliye Sawaaxili iyo Agaasimaha Fulinta waxaanay labadooduba tilmaameen inaanay ahayn wax loo dulqaadanayo in ciidanka Dabdemiska la soo waydiisto gargaar hadana markay yimaadaan loola yimaado rabshad. waxaanay sidoo kale xuseen in ciidanka dabdemisku hadda wixii ka dambeeya tallaabo adag ka qaadi doono arrimaha noocaasi ee had iyo goor soo noq noqda isla markaana sharci adag iyo talaabo laga qaadi doono dadka falalaka ku kaca.

Gabagabadii waxaa Maamulka Ciidanka Dab-demisku sheegeen inaanay tani noqonayn mid ay ku joogsan doonaan hawlaha ciidanku bulshada u qabto ee badbaadada dabka uu sii labanlaabi doono isla markaana hadh iyo habeenba ciidanku u shaqayn doono Dadweynaha Ciidanka Dab-demiska.

Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska Qaranka.
Hargeysa/ Somaliland.
990_ Emergency Call

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.