Tiradda Xanuunka Covid19 oo Maanta Ka Yar Intii Shalay

HARGEYSA – (WARSOOR) – Warbixinta maalinlaha ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa sheegtay in baadhintaanadii la sameeyey 24 saacadood ee u dambeeyey xanuunka Koofidh19 laga helay 8 qof.

Tiradda guud ee xanuunka laga helay ayaa dhan 384, dadka ka bugsaday xanuunka ayaa gaadhay 57 qof, halka dadka u dhintay ay dhan yihiin 28 qof. Guud ahaan dadka xanuunka laga baadhay Somaliland ayaa dhan 1,521.