Tirada Xildhibaanada baarlamaanka ee iscasilaada ka dalbaneysa Guddoomiye JAWAARI oo sii kordhaya

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa sii kordhaaya tirada Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Somalia ee is casilaada ku cadaadinaaya Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Xildhibaanada oo kusii kordhaaya dhanka warbaahinta maxaliga ah, ayaa Guddoomiye Jawaari ugu baaqay inuu faarujiyo Kursiga ka hor inta uusan ku bixin qaab aan wanaagsaneyn.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari, ayaa sheegay inay sii kordheyso tiradooda taasina ay ka turjumeyso inaanu Jawaari sii joogi doonin booska, sida ay hadalka u dhigeen.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Guddoomiye Jawaari inuu jebiyay dastuurka iyo

xeer hoosaadka, isla markaana ay ka dalbanayaan inuu mar kale is casilo.

Xildhibaan Axmed Dhimbil Casoowe iyo Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in guddoomiyaha golaha shacabka loogu baahan yahay inuu si nabad ah isku casilo.

Xildhibaan Axmed Dhimbil ayaa yiri ‘’Waxaan ku talinayaa in Jawaari uu isaga tago booska kama heebeysan doono waxaana naga go’an inaan ka tuurno Kursiga ama uu is casilo saacadaha u harsan’’

Si kastaba ha ahaatee, Xildhibaanadan ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari aysan kusii deynkarin khaladaadka uu ku hayo Dastuurka dalka, waxa ayna ku baaqeen in wakhti hore uu iska casilo xilka.

Xigasho: Caasimada

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.