Tirada Xaaladaha COVID19 Ee Soomaaliya Laga Diiwaan Gelinayo Oo Hoos u Dhacay

Muqdisho – (warsoor)-La taliyaha sare ee COVID19, Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegay in 24kii saac ee lasoo dhaafay dalka laga diiwaan geliyay 13 xaaladood oo COVID19 ah, taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 1,731.

Bukaannada cusub oo laga diiwaan geliyay Somaliland 8 iyo gobalka Banaadir 5 ayaa 10 kamid ah waxa ay yihiin rag, 3-na waa haween.

Feyruska Karoona waxaa bogsooday 12 qof oo cusub taas oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 265 qof.

Lama diiwaan gelin bukaan cusub oo u geeriyooday COVID19, waxaana geerida guud mareysaa 67.

Dr. Maxamed Maxamuud Cali (Fuje) ayaa ku baaqay in lagu dadaalo kahor tagga iyo faafitaanka cudurka si loo yareeyo saameynta COVID19 uu bulshada ku yeelanayo.

XIGASHO: SONNA