Telesom oo Noqotay shirkadda ugu Raali-galinta Fiican Macaamiisha

Hargeysa – (warsoor) – Cilmi-baadhe Maxamed Yuusuf (Prof. Iqra) ayaa habeenimadii Jimcaha ku soo bandhigay huteel Cali jirde ee magaaladda Hargeysa Cilmi-baadhis (Research) ay samaysay Jaamacadda Alcayn oo ku taala Imaaraadka Carabta, cilmi-baadhistan ayaa sheegtay in shirkadda Telesom ay ka gaadhay heerka raali-galinta macmiisha 86% oo ah heer aad u sareeyo.

Bandhiga cilmi-baadhistan oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiinta shirkadda Telesom iyo marti-sharaf kale oo badan ayaa laga hadlay heerka ay shirkadda Telesom ka taagan tahay raali-galinta macmiisha. Kulankan waxaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan, waxaana munaasibadan soo qaban-qaabisay xarunta Waayeel Consulting.

Maamulaha Shirkadda La talinta ee Waayeel Siciid Cabdilaahi Siciid oo ugu horayn ka hadlay munaasibadan ayaa sheegay in daraasaddan ay wadday Jaamacadda Al-cayn muddo 6 lix bilood ah. Waxaan daraasadan sample loo qaatay shirkadda Telesom iyadoo la baadhay cabirka raali-ahaansha Macmiilka.

Kulankan waxaa ka hadlay Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Dr Cabdiwali Sheekh C/Laahi Suufi,  Wasiirka Horumarinta Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga Maxamed Axmed Maxamuud (Cawad), Aamina Faarax Caarse iyo Sucaad Carmiye, waxaanay shirkadda Telesom ku bogaadiyeen kaalinta ay kaga jirto horumarka dalka iyo siday hormuudka ugu tahay raal-ahaansha Macmiisha.

Dhanka kale, Cabdirashiid Muuse Iimaan oo ka tirsan Boodhka sare ee shirkadda Telesom ayaa macmiisha Shirkadda uga mahadnaqay sida ay ugu markhaati fureen sida ay shirkaddu ugu adeegto. Md. Cadirashiid ayaa sheegay natiijaddan ka soo baxday cilmi-baadhistani inay ku biiri doonto dadaalkii ay shirkadda ku raadinaysay istiraaf caalamiya.

Halkan ka DAAWO faahfaahinta Warkan:


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.