Talyaaniga Oo Soo badbaadiyey Tahriibayaal Dooni Kula Dagtay Xeebaha Liibiya iyo Qaar badan oo La Laayahay

 Talyaaniga – (warsoor) – Ciidamada Ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa soo badbaadiyey lix iyo laabtan tahriibayaal ah ka dib hawl-gal ay dhawaan ka fuliyeen xeebaha Talyaaniga, balse waxaa ilaa hadda la laayahay dad kale oo tiro badan.

Muqaal fiidiyow ah oo la baahiyeen ayaa muujinaaya ciidamada ilaaladda xeebaha Talyaaniga oo badbaadinaya dad tahriibayaal ah oo saarna dooni nooca la buufiyo ah. Ciidamadan ayaa soo badbaadiyey dadkan ka dib markii ay heleen telefoon satalayt ah oo uu soo gudbiyey Markab nooca gacansiga ah.migrants_italy

Dadkan tahriibayaasha ah ee la soo badbaadiyey ayaa lagu sheegay 26 qof waxaase la rumaysan yahay in ugu yaraan 70 qof oo kale ku dhinteen badda.

Maalmihii u dambeeyey ciidamadda Badda Talyaaniga ayaa soo badbaadiyey 240 qof oo 70 ka mid ahi ay ahaayeen caruur. Dadkan ayaa laga soo buuxiyey laba doonyood oo nooca rabadhka ah la buuxiyo ah.

Ilaa hadda dadkan la soo badbaadiyey ayaa la shaacin dhalasho ahaan waddama ay ka soo jeedaan.

Xeebaha Talyaaniga waxaa sanadkan gaadhay tahriibayaal tiradda lagu qiyaasay 27,000 oo qof.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.