Taliye Ku-xigeenka Hore Ciidamada ee Amisom oo Xilkii ku Wareejiay Taliye Cusub oo La Soo Magacaabay

Muqdisho – (warsoor) – Taliye ku-xigeenka ciidamada Amisom Sareeye Guute Mohammedesha Zeyinu ayaa maanta soo gabo-gabeeyey shaqadii taliye ku-xigeenka ee uu Soomaaliya ka hayey muddada sand iyo badhka ah.

Taliye ku-xigeenkan ciidamada Amisom Sareeye Guute oo maamulaayey hawl-galadda iyo qorshaynta ciidamada Amisom ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah shaqadii ugu wareejiyey Taliye ku-xigeenka Soomaaliya loo soo magacaabay ee Abreha Tesfay.

taliye_xigeenka_amison

Munaasibad kooban oo xilka loogu kala wareejinaayey labadan taliye ayaa Sabtidan maanta ka dhacday xarunta taliska guud ee ciidamada Amsiom, waxaana ka soo qayb-galay taliyayaasha ka duduwan ee ciidamada hawlgalka Afrika ee Soomaaliya ee Amisom.

Taliye ku-xigeenkii hore ee Amisom Sareyee Guuute Mohammedesha Zeyinu oo qudbad ka jeediyey madasha xil-warejinta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay muddadii uu hayey xilka Amisom waxaanu sheegay inuu khibrad qiimo leh ka faa’iiday hawl-galaddii ay ciidamada Amisom ka fuliyeen Soomaaliya.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan hawl-galkan ka qayb-qaatay, kaasi oo ahaa mid Afirka ah, waxaanan kahelay khibrad weyen anigoo ka garab shaqaynaayey walaalahayga Afrika. Waxaanu wadaagnay khibradahayag, waxaana ogsoonahay ka Afrikaan ahaan awoodayadda iyo waxaa loo baahan yahay in lagu horumariyo oo lagu maamulo hawl-galadda sidan oo kale ah”.

Taliye ku-xigeenka la wareegay hogaanka ciidamada Amisom oo ka soo jeeda Itoobiya ayaa ku amaanay Taliyihii ka horeeyey ee uu shaqadda kala wareegay kaalinta uu ka qaatay hawl-galadda Milatari ee uu Soomaaliya ka wadday iyo sida uu wax weyn uga qabtay in la wiiqo awooda xarakadda Al-shabaab.

Taliye ku-xigeenka cusub ee ciidamada Amisom ayaa sheegay in Al-shabaab ay wali tahay caqabad taagan, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in la dhamaystiro sidii loo cidhibtiri lahaa kooxaha argagixisadda ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.