Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska Soomaaliya oo Heshiis La Galay Turkiga

TURKIGA – (WARSOOR) – Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Soomaaliya oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la yeeshay dhigiisa dalkaa.

Taliyaha ayaa sheegay in kulamo yeesheen Taliyaha Ciidamada Booliska ee Turkiga, waxaanu taliyuhu sheegeen inay ay marti-qaad rasmi ah ka helenen Taliyaha Ciidamada Booliska ee Turkiga.

Taliyaha Guud ee Ciidamadda Booliska Soomaaliya Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay inay wadda geleen saxeexdeen heshiis hore loo wadda gaadhay oo ahaa iskaashi labada dhinac dhex mara kaasi oo la sameeyey 2013.

Sareeye Gaas Cabdi Xijaar ayaa sheegay in ay soo booqday xarun lagu tababaro ciidamada gaarka ah ee dalka Turkiga kuwaasi oo gacanta kuwaasi oo tababaro siiya ciidamada Soomaaliya ee loo yaqaan Harimacad.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay inay ka dalbadeen Turkiga in ciidamada Booliska Soomaaliya la siiyo tababaro heer jaamacadeed ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.