Taliyaha Ciidanka Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabiley Wafdi ka Socda Masar

Muqdisho(SONNA):- Wafdi ka socda Wasaaradda Gaashaandhiga Dalka Masar oo soo gaaray Magaalada muqdisho ayaa kulan la qaatay Taliska Ciidanka Xoogga dalka kadib markii uu xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, waxayna   kawada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee dhanka ciidamada iyo sidii iskaashi buuxa looga sameyn lahaa in Dowlada Masar ay ka qeyb qaadato tababarida ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka sareeye Gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa ka warbixiyay kulanka iyo waxyabihii la isku afgartay, wuxuuna uga mahadceliyay Dowlada Masar kaalinta ay ka qaadaneyso tababarada Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Wafdigan oo uu Hoggaaminayo Sareeye Gaas Waxiid Cizaad Ibrahim ayaa waxey imaan shahooda Muqdisho ku soo beegmeysaa xilli dhowaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Masar ay ka wada hadleen sidii Dowladdaย  Masar ay ugu tababariย  laheyd ciidamadaย  Soomaaliya.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.