Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo booqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxii 13-kii bishaan ka dhacay muqdisho

Muqdisho – (warsoor) -Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed  Sarreeye Guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa caawa Qaar ka mid Isbitaalada Magaaladda Muqdisho ku Booqday Dadkii ku Dhaawacmay Qaraxii fashilmay ee Dhawaan Lagula Eegtay Agagaarka Tarbuunka.

Janaraal odowaa yuusuf Taliyaha CXD oo ay wehliyeen Madaxda hoggaanada caafimaadka, saadka, maamulka lacagta iyo saraakiil kale ayaa booqasho ugu tagay shacabkii ay maleeyshiyaadka Alshabaab  ku dhibaateeyeen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee argagixisada ay  kula beegsadeen taliyaha agagaarka garoonkii hore ee kooxda horseed oo u dhaxeeya isbtitaalka xoogga iyo isgooyska Taranbuunka.

Isbitaalada uu booqday taliyaha ayaa waxaa ka mid ah Madiino iyo Somali Suudaanes oo lagu dabiibayo shacabkii ay dhibaateeyeen nabad diidka arxanka darran,  isaggoo mid mid u xaal-wareeystay dadka dhaawacyada ah, wuxuuna alle uga baryay inuu caafimaad degdeg ah siiyo.

Maleeshiyaadka Alshabaab ayaa weerar fashilmay waxey 13-kii bishaan ku qaadeen kolonyo uu la socday taliyaha ciidanka xoogga dalka sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage, qaraxaasi oo ay fashiliyeen ilaaladda Gen Odowaa.