Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya oo la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta iyo Xeer ilaaliyaha Jarmalka

Frankfurt – (warsoor) –Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac oo Booqasho shaqo ku jooga Dalka Jarmalka ayaa waxa uu kulamo la qaatay Xeer ilaaliyaha Dalka Jarmalka, iyagoo ka wada hadlay sidii ay iskaashi u yeelan lahaayeen.

Xeer ilaaliyaha Wadanka Germany ayaa waxa uu u ballan qaaday in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay ka caawin doonaan dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka.

taliyaha_asluunta_somaliya_jarmalka2

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliya ayaa ayaa sidoo kale la kulmay Madaxa Ciidanka Asluubta Genmany, waxayna wada qaateen kulan dheer, iyagoo isla lafa guray sidii loo soo celin lahaa xiriirkii qotada dheeraa ee ka dhaxeeyay labadaasi Ciidan, ugu dambeyntiina way isla meel dhigeen.

S/gaas Bashiir Maxamed Jaamac Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa Booqday Xabsiga ugu Casrisan Dalkaasi ee ku yaala Magaaladda Frankfurt isagoo soo kormeeray Qeybaha Xabsiga uu ka kooban yahay.

Taliyaha ayaa Xabsiga HiTech Prison ee Frankfurt waxaa kusoo dhaweeyey Taliyaha Xabsigaasi waxaana kulan ay wada qaateen ay uga wada hadleen sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi dhex mara labada dhinac iyo sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Dhismaha Xabsiyada Dalka Soomaaliya oo iminka si dar-dar leh isbedel horumarineed ay uga socdaan.

taliyaha_asluunta_somaliya_jarmalka

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/Gaas Bashiir Maxamed Jaamac ayaa intii uu ku sugnaa Xabsiga frankfurt waxa uu la kulmay Dhalinyaro Soomaali ah oo Xabsigaasi ku xiran, waxaana uu ka wareystay sida ay tahay Noloshooda, isagoona ka waaniyey haddii Xorriyadooda dib u helaan in aysan ku laaban Waxyaabihii lagu xiray.

“Waxan la kulanay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Germany, si fiican ayuuna noo qaabilay, wuxuuna ballan qaaday xiriir iyo iskaashi wanaagsan in uu nala yeelan doonno sidoo kale Waxaa la kulanay Madaxa Ciidanka Asluubta ee Dowladda , Germany, waxaana ka wada hadalnay soo celinta xiriirkii iskaashi ee Ciidanka Asluubta Soomaliya iyo Germany waxay noo muujiyeen soo dhoweyn iyo inay nagala shaqeyn doonaan Horumarka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed” Ayuu yidhi Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.