Taliyaha Booliska oo Sheegay in la Baddelayo Hab-dhaqanka ciidanka Ciidamada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Taliyaha ciidanka booliska Somaliland, Jeneral Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa sheegay in la badalayo hab dhaqanka ciidamada ee bulshada.

Sidoo kale waxaa uu balan qaaday in qofka  danbiile ah loola dhaqmo si fiican,   oo cadaaladdii ku dheehan tahay.

Jeneral Dabagale isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi.โ€Waxaa la doonaya inaynu badalnรฒ akhlaaqda booliska ee soo taag taagan, ee aad moodo in kalsooni daro ka muuqato , ee hadaynu nahay ciidamada nabadgelyada waddooyinka  gaadhiga kawarka ka garaacayno ee aynu dilayno , hadaynu saldhig joognana qofka indhaha ka galayno, boolisku waa adeege shacab.

Dambiilahana waxaynu ku adkeynaynaa sharciga ee waa inaynu inta hore si akhlaaq leh ula dhaqano oo cadaalad u sameynoโ€.