Taliska Mareykanka ee Afrika oo ku baaqay in la qaboojiyo xiisadda siyaasadda Soomaaliya

STUTTGART – (WARSOOR) – Taliska Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inay si buuxda u taageerayaan baaqa saaxiibada caalamka ee qaboojinta xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Ciidamada Soomaaliya waa in ay diiradda saaraan khataraha amni ee kooxaha argagixisada ah ee ugaarsada dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee taliska AFRICOM.

Mareykanka, UK iyo dalalka kale ee saaxiibada Soomaaliya ayaa shalay ku baaqay in madaxda dowladda Soomaaliya ay dejiyaan xiisadda siyaasadeed, Isla markaana ka fogaadaan waxa ay ugu yeereen “daan-daasi iyo isku awood sheegasho”

Beesha Caalamka ayaa intaa ku dartay inay muhiim tahay in Golaha Wadatashiga Qaran ay iska yimaadaan dhameystirka doorasho hufan oo si degdeg ah ku dhacda.