Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL Oo Ka Jawaabay Eedo Warbaahinta Qaar U Soo Jeediyeen Suldaan Axmed Daahir Muuse

Hargeysa – (warsoor) – Maamulka Dab-damiska Somaliland ayaa ka difaacay Suldaan Axmed-daahir Muuse Cilmi eedayn loo soo jeediyey, waxaanu maamulku sheeqeen in Suldaanku yahay halyeye Qaran.

Maamulka Dab-damiska Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay kaga jawaabayaan eedaynta loo soo jeediyey Suldaan Axmed-daahir soo saaray, waxaanu war-saxaafadeedku u dhignaa sidan:

“Suldaan Axmed-daahir Muuse Cilmi halyey qaran oo hadhkiisa lagu soo hirto waa hormuud aqooneed oo la intifaacsado waa halyey nadabdeed oo lagu nasto, waa caalim diineed oo cilmigiisa iyo camalkiisuba suuban yahey, waa hiigsade hankiisu yahey horumarka Somaliland. Mudane Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi waanu ogsoonahey kaalinta weyn ee aad kaga jirto dhismaha dadka iyo dalka gaar ahaan Ciidanka Dab-demiska somaliland oo aan la,aantaa hanaqaadeen kuwii guryaha bulshada gubi jirey ayaa isku deygoodu yahey in ay ku niyad jabiyaan kadib markii ay yaqiinsadeen in aad tahey hormuudka iyo caqligii ka danbeeyey aasaaska cudud weyn ee ciidanka dab-demiska Somaliland lagu dhisey waanu ognahey tabaha iyo xeeladaha kala duwan ee codowga Somaliland uu adeegsado si uu ufuliyo shirqooladiisa iyo hagardaamooyinka loo maleegayo jiritaanka jamhuuriyada Somaliland iyada oo qorshayaasha cadowga Somaliland ay ka midtahey ceebeynta haldoorka Somaliland ee is xilqaamey si ay u niyad jabiyaan balse wada jirka iyo wada tashiga bulshada reer Somaliland ayaa ka adag kana xoog weyn kana khibrada badan wax kasta oo cadowga Somaliland uu soo maleego.Mudane Suldaan Axmed-daahir Ciidanka Dab-demiska Somaliland waxa uu ogsoonyahey doorka weyn ee aad ku leedahey dhismaha iyo aasaaska ciidanka dab-demiska Somaliland taasi oo laga gayoon Karin taariikh ahaan balse ka soo bilaabantey hindise ilaa hirgalin aad hormuud u tahey.
Taariikh:- 
1- Qurba jooge u soo Tahriibey Dhismaha Dadka iyo Dalka JSL.
2- Suldaan xurmo iyo Maamuus huwan oo ka tirsan golaha dhaqanka JSL.
3- Caalim ka mid ah Culimada Waaweyn ee Dalka JSL.
4- Aqoonyahan ka tirsan gudida Sarre ee jaamacada Hargeisa
5- Xeel dheere ka mid ah golaha sarre Akaadamiga Nabada iyo Horumarinta Somaliland 
6- Halgamaa Weyn oo ku suntan Horumarinta Caasimada Hargeisa kana tirsan Gudida Horumarinta Caasimada Hargeisa.
7- Xoghayaha Gudida dhismaha Mashruuca Dab-demiska Somaliland

 

Muhaajir Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi waxa uu ka mid ahaa xubno qorba jooga reer Somaliland ah oo ka soo tahriibey dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Canada oo qoyskiisa iyo Caruurtiisu wali daganyihiin balse isaga ay soo dhaqaajisey kana soo kaxeysey ehelkiisii iyo dunida 1aad ee uu ku noolaa qiiro wadiniyadeed (AXYAAWADANI) si uu dhinaciisa u qabto dhismaha dadka iyo dalka reer Somaliland ee ka soo kabanayey burburkii dowladii somaliya gaadhsiisey iyo raadkii foosha xumaa ee dagaaladii sokeeye.


Hadaba Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi tan iyo sanadkii 1997-kii waxa uu kasoo shaqeeyey dhismaha dalka Somaliland hadii ay tahey nabadeyntii beelaha Somaliland, xalinta khilaafaadka siyaasiga, sixitaanka tartamada doorashooyinka, horumarinta waxbarashada Somaliland ee heer jaamacadeed iyo heer hoose, horumarinta Caasimada hargeisa oo uu kaalin weyn ka qaatey dhismaha jidadka iyo biriishyada caasimada Hargeisa, dhismaha mashruuca dab-demiska Somaliland oo noqdey mashruuc uu si gaar ah iskaga xilqaadey in uu dadkiisa ka badbaadiyo masiibooyinka naf iyo maalba uu u geysto waxyeelada dabka iyada oo uu ku suntahey yahey xubinta kaliya ee habeen iyo maalin aan ka seexan dhismaha mashruuca dab-demiska Somaliland oo maanta maraya heerkii uugu sareeyey ee abid ay Somaliland yeelato cudud iyo ciidan dab-demis oo dalka ka hana qaadey kaasi oo xarunta 1aad laga dhisey Caasimada Hargeisa iyada oo ay socdaan mashaariic kale oo lagu dhisayo 5 xarumood oo kale oo ay leeyihiin Ciidanka dab-demiska Somaliland kuwaasi oo ku kala yaala dagmooyinka Burco, Boorama, Togwajaale, iyo laba xarumood oo ku kala yaala hargeisa gudaheeda gaar ahaan dagmooyinka ibraahim koodbuur iyo M,Heybe ,mashaariicdaasi oo uu dhamaantood tacabweyn iyo dadaalba galiyey Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi oo matalaya Gudida dhismaha Mashruuca Dab-demiska Somaliland.
Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi waxa uu ahaa xubintii ku qanciyey in taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Mudane Axmed Max,ed Xassan Sawaaxili uu iska soo casilo shaqadii uu dalka dibadiisa ka hayey isla markaana uu Cilmigiisa iyo aqoontiisa ku hogaamiyo Ciidanka Dab-demiska Somaliland maadaama oo G/sarre Axmed Sawaaxili uu mudo 35 sandood ah ku soo shaqeyneyey xirfada Dab-demiska.Ø
Suldaan Axmed Daahir Muuse Cilmi waxa uu gudida dhismaha mashruuca dab-demiska Somaliland ku qanciyey in Taliye Sawaaxili la siiyo darajada Gaashaanle Sarre maadaama oo uu dalka imaaraadka Carabta ka gaadhey darajada Gaashaanle dhexe si Taliye Sawaaxili loogu abaal mariyo Xidig uu kusoo dhiso Ciidanka dab-demiska somliland iyada oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Max,ed Max,ud Siilaanyo Aqbaley Codsigii Gudida dhismaha mashruuca Dab-demiska ee aheyd in Taliye Sawaaxili iska soo Casilo shaqadii uu dalka dibadiisa ka haye isla markaana lagu abaal mariyo xidig maadaama oo aan la siin mushaharkii iyo xuquuqdii badeneyd ee dowlada imaaraadka Carabtu siin jirtey Taliye Sawaaxili.Ø
Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi waxa uu in ka badana 16 saacaadood maalin walba wakhtigiisa qaaliga ah galiyey dhismaha iyo aasaaska Mashruuca Ciidanka Dab-demiska Somaliland kaasi oo uu soo bilaabey Augest 2013 walina uu sii wado dadaalkiisa naf hurineed ee uu cagaha uugu istaajiyay Ciidanka Dab-demiska Somaliland.Ø
Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi waxa uu yabooh iyo qaadhaan ururin la dhexmarey dowlada dhexe, dowladaha hoose iyo baayacmushtarka reer Somaliland si loo dhiso loona hirgaliyo Ciidanka badbaadada Qaranka JSL.Ø
Suldaan Axmed-Daahir Muuse Cilmi waxa talo,tilmaan, Aqoon, Khibrada, odeynimo, suldaanimo iyo daacadnimo uu ku meel mariyey dhismaha Ciidanka dab-demiska Somaliland kaasi oo uu habeen iyo maalinba u hagar baxey hirgalintiisa iyada oo uu ciidanka dab-demiska soo gaadhsiiyey heerkii uugu sareeyey ee haayad dowli ahi soo gaadho marka aad eegto waxqabadka ciidanka dab-demiska ee lagu reystey badbaadadooda, markaad eegto dhalinyadarada 500 ee xubnood ah ee ka howl gala ciidanka dab-demiska Somaliland kuwaasi oo 210 ka mid ah xuquuqdoodda bixiso dowlada dhexe halka dowlada hoose ee hargeisa ay ka guneyso 300 xubnood oo kale kuwaasi oo badhkood howl galeen kuwa kalana ay ku jiraan dugsiga tababarka ciidanka dab-demiska iyo waliba marka aad eegto bilicda iyo quruxda ciidanka dab-demiska Somaliland oo mid noqdey ciidamada uugu quruxda iyo qaayaha badan dalka marka laga eego dhinaca qalabkooda iyo maamulkoodaba.Ø
suldaan axmed daahir muuse Cilmi maaha shakhsi lagu sifeeyo xumaan iyo ceeb ee waa damal hadhweyn oo la hadhsado dhaqankiisa iyo aqoontiisaba waa tiir dhexaadka dhismaha mashruuca dab-demiska Somaliland ee u soo halgamey aasaaska Ciidanka Dab-demiska Somaliland.
Gunaanadkii mar labaad Suldaan Axmed Daahir Muuse Cilmi waanu ogsoonahey kaalinta weyn ee aad kaga jirto dhismaha dadka iyo dalka gaar ahaan ciidanka dab-demiska somaliland kuwii guryaha dadka gubi jirey ayaa maanta wax qoraya kadib markii ay yaqiinsadeen in aad tahey hormuudka caqliga ka danbeeyey aasaaska cudud weyn ee ciidanka dab-demiska ceebaha iyo xumaanta aan sal iyo raad toona laheyn waxaanu u aragnaa in ay ka mid tahey shirqoolada lagu hagardaameynayo dadka iyo dalka Somaliland iyada oo halgankaaga naf hurnimo ee aad naf iyo maalba ku dhistey ciidanka dab-demiska Somaliland isla markaana aad maalin iyo habeen heeganka u tahey hirgalinta himilooyinka somaliland ey kugu soo weerari doonaan cadow somaliland ee shirqoolada kala duwan maleegaya hasayeeshee waanu ognahey in aaney ku niyad jabin doonin shirqoolka iyo been abuurka cadowga Somaliland kula dhex jiro umada reer somaliland.

 

Taliska Ciidanka Dab-demiska Qaranka JSL
Wabilaahi towfiiq allaa Mahadleh.

Hargeysa/ Somaliland”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.