Taliska Ciidamadda Booliska Somaliland Oo Jawaab Ka Bixiyey Booqashadii Gudoomiye Cirro loo Diiday Saldhiga Dhexe Inuu Galo

Hargeysa – (warsoor) –  Taliska ciidamada Booliska Somaliland ayaa warbixin ka soo saaray sababtii ciidamada booliska ee saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa ay uga horjoogsadeen inuu booqdo mid ka mid ah masuuliyiinta xisbiga WADDANI oo ku xidhnaa saldhiga dhexe.

Afhayeenka Ciidamadda Booliska Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis oo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in aanay meeqaamka gudoomiyaha ahayn inuu saldhiga dhexe yimaado.

“Gudoomiyaha maqaamkiisa may ahayn in uu saldhiga tago ama uu yimaado. Mana jirto wax hub ah oo lagu qabtay iyo aflagaado loo gaystay midnaba. Waxaana marag ma doon u ah inuu goobtaasi joogay taliye ku-xigeenka ciidamadda boolisku”, sidaasi waxaa yidhi Taliye Faysal Xiis.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna gudoomiyaha golaha wakiiladda ayaa sheegay in ciidamada booliska ee saldhiga dhexe ee magaaladda Hargeysa ay iyagoo garanaya u diideen inuu boqdo masuul sare oo ka tirsan xisbiga waddani kuna jira golaha dhexe ee xisbiga oo lagu magacaabo Muniir Axmed Cigaal.

Taliye Faysal Xiis ayaa sheegay in ciidamada boolisku ay gacanta ku soo dhigeen Muniir Axmed Cigaal iyo Cali Jiibriil Xasan (Cali-mahdi) , ka dib markii lagu soo eedeeyey inay ka dambeeyeen fal lagu dhaawacay nin maqaaladda qora oo lagu magacaabo Jaamac Cilmi Siiciid oo loo yaqaano Aqoonyahan Jaamac Jiir.

Taliyaha Faysal Xiis ayaa sheegay in waddan baadhitaano lagu waddo labadan eedaysano, waxaanu taliyuhu sheeegay in sida ugu dhakhsaha badan loogu gudbin doono maxkmadda.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee afhayeenka ciidamada Boolisku qabtay:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.