Taliska Ciidamada Amisom iyo Midowga Yurub oo Gantaalo Lagu Weeraray

Muqdisho – (warsoor) – Waxaa gantaalo lagu garaacay xarunta saldhiga u ciidamada Amisom iyo Qaramadda Midoobay ku leedahay magaaladda Muqdisho, ugu yaraan ilaa saddex hoobiyo ayaa lala beegsaday, balse lama shaacin wax khasaare oo ka dhashay weerarkaasi.

Joe Kibet Afhayeen ciidamada Amisom ayaa wakaaladda wararka ee Sonna u xaqiijeyey in hoobiyayaal lagu soo garaacay xarunta xalane, waxaanu yidhi, “Hoobiyayaal lagu soo garaacay xaruntayadda ayaa ku dhacay xeradda dibadeeda, wax khasaare ah oo ka dhashayna ma jiro, waxaana wali socda baadhitaankii weerarka waana ogaan doonaa in wax khasaare ahi ka dhashay in kale”.

Al-shabaab ayaa dhinaceeda qiratay masuuliyadda weerarkan waxaanay sheegeen in ilaa 7 gantaal ay ku garaaceen xarunta ciidamada midowga Afrika.

Ciidamada Midowga Afrika iyo Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa hawl-galo ay dib ugu soo celinayaa amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya ka bilaabay magaalo madaxda iyo goboladda dalka Soomaaliya 2011, waxaanay isku dayeen inay wiiqaan awooda xarakadda Al-shabab, inkasta oo ay gacanta ku dhigeen meelo badan oo ay ka talin jirtay Al-shabaab haddana waxaa kordhay qaraxyadda iyo hawl-galadda qorshaysan ee kooxdani ay u gumaaday ciidamada Amisom iyo qaar ka mid madaxda dawladda Soomaaliya.

Alshabaab

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.