Talafishanka Qaranka Somaliland iyo Shirkadda Thaicom oo Wadda Saxeexday Heshiiska Baahinta Caalamiga ee TV-ga

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Thaicom oo ka mid ah shirkadaha hogaamiya adeegyadda satellite ee caalama ayaa shalay ku dhawaaqday inay heshiis dheer la gashay Talafishanka Qaranka Somaliland (SLNTV).  Shirkadda Thaicom ayaa hadda heshiis baahineed kula jiraa 15 talafishan oo ku yaala bariga Afrika, kuwaasi oo isticmaal adeega baahinta xaga bariga ee 78.5 digriiga ah.

Qodobadda heshiiskan dhexmaray shirkadda Thaicom iyo Talafishanka Qaranka Somaliland waxaa uu dhigayaa in Thaicom ay siiso Talafishanka Qaranka ee SLNTV baahinta C-band-ka oo awood badan oo ay ka helayso qaybta Satellite-ka ee Thaicom 5, waxay sidoo kale siin doontaa adeeg dhamaystiran oo ay ku jiraan nashqadda, rakibidda iyo dhamaan adeegyadda link-yadda tooska ah ee ka baxaya satellite-ka. Dhamaan adeegyadani waxay Talafishanka Qaranka Somalialnd u fududaynayaa in Channel-dda kala duwan ee Thaicom lagu baahiyo barnaamijyadda Talafishanka.

thaicom_slntvWasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-galinta Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo ka hadlay heshiiskan dhex maray shirkaddan iyo Talafishanka Qaranka ayaa yidhi, “Iskaashigan dhexmaray Shirkadda Thaicom iyo Telefishanka Qaranku (SLNTV) waa mid aad u wanaagsan, waxaanu Talafishanka u saamixi doonaa inuu balaadhiyo daawadayaashiisa iyo suuqiisaba. Waxaanu aad ugu faraxsan nahay in aanu ka mid noqonay macmiisha Thaicom iyo inaanu helo adeegyadooda wacan. Heshiiskani waxaa uu noo saamaxayaa in Talafishanka Qaranku gaadhsiiyo barnaamijyadiisa kala duwan ee ka kooban wararka, madadaalada iyo ciyaaraha daawadayaal caalamiya”.

“Shirkadda Thaicom waxay ku faraxsan tahay in Talafishanka Qaranka Somaliland (SLNTV) uu doortay inuu isticmaalo adeegayaga si uu barnaamijyadiisa u gaadhsiiyo caalamka, shabakaduna waxay u suurto galinaysaa in daafaha dunidda laga daawado”, sidaasi waxaa yidhi Agaasimaha Guud ee shirkadda Thaicom Paiboon Panuwattanawong.

Paiboon ayaa intaas ku daray, “Aad buu muhiin noogu yahay suuqa Afrika, adeegani waxaa uu siin doonaa baahin balaadhan, adeeg hufan in la isku haleeyo in Talafishanka Qaranka Somaliland (SLNTV) in adeegyadiisa uu ku balaadhiga caalamka”.

Adeegyadda baaxadda leh ee Shirkadda Thaicom 5 ay bixiso waxa ay ku baahsan yihiin afar qaaradood oo dunida ah, waxaanay adeegyo siiyaan qaaradaha Aasiya, Yurub, Austria iyo Afrika. Shirkadda Thaicom waxay hadda baahisaa in ku dhow 800 oo jannal  oo iskugu jira SD iyo HD.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.