Tababar Loo Soo Xidhay Gabadho Loo Qaatay Ciidamada Booliska XFS

MUQDISHO – (WARSOOR) – Taliyaha ciidanka Booliska Soomaliya Jeneraal Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa tababar ugu soo xiray magaalada Cankiri ee dalka turkiga dufcadii ugu horaysay ee hablo dhamaystay tababar ciidan kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Musaasabadan ayaa waxa ka qayb galay masuuliyiin ka kala socotay Dowladdaha Turkiga iyo Soomaaliya kuwaas oo uu ugu horeeyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya, Taliyaha Ciidanka Booliska Turkiga,ku-xigeenka Arrimaha Ciidamada Safaarada Soomaliya ee Turkiga,duqa magaalada Cankiri iyo saraakiil ka tirsan Ciidamada Haramcad.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya ayaa xusay muhiimada ay u leedahay Soomaliya dhismaha Ciidamada Booliska isagoo sidoo kale uga mahadceliyey Dowladda Turkiga Taageerada ay u fidiso dhismaha Ciidamada Soomaliya.