“Taageerayaasha Iyo Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Laascaanood, Waxay Ku Soo Dhaweeyeen Saaka Xisbiga KULMIYE Hilow Iyo Kalgacal.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Laascaanood – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi  oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay soo dhawayn balaadhan oo ay maanta kala kulmeen dadweynaha reer Laascaanood.

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sheegay in Reer Sool Ay Madaxda iyo murrashaxa KULMIYE ku qaabileen hilow iyo kalgacal,  isna markaana ay u balan qaadeen inay maalinta doorashada cod booxa siin doonaa, taasna ay sabab u tahay waxqabadka balaadhan ee Xukuumadda KULMIYE ay gobolkaasi ka higalisay.

Wasiirka ayaa sharaxay dadweynaha reer Laascaanood oo maanta xisbiga KULMIYE ku qaabilay caleemo qoyan iyo astaanta xisbigaasi, iyadoo si weyn ugu qayb qaatay maalinta shanaad ee Ole-olaha xisbiga KULMIYE, oo maanta u lahaa waxaannu yidhi Mudane Maxamuud Xaashi “ Saaka sharaf weyn ayey noo ahayd in aan ka qayb galo isu soo bixii taageerayaasha xisbiga KULMIYE ay ku sameeyeen khayriyada weyn ee magaalada Laascaanood, aniga oo ka mid ahaa weftigii guddoomiyaha xisbiga ahna musharaxa xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Taageerayaasha iyo bulshada ku dhaqan magaalada Laascaanood, waxay ku soo dhaweeyeen saaka xisbiga KULMIYE hilow iyo kalgacal iyada oo maalin jimce ah ay tahay, oo maalin ciida Islaamka ka mid ay tahay oo dadku ay cibaado uun  wakhtigaa u go,o waxay wakhtigaa isugu urureen fagaaraha khayriyada iyo wadooyinka waaweyn iyaga oo calamada xisbiga ruxaya, arrintaasi arin ku timid ciyaar maaha, gobolka Sool waxa xukuumadda xisbiga KULMIYE ka hor waxa adkayd in calad Somalilland ah laga taago iska daa mid xisbi-ee, waxa adkayd in madax Somaliland ahi ay fagaarayaal is taagaan, is badelka lixaadkaas leh Xukuumadda xisbiga KULMIYE ee Axmed Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ayaa samaysay.”

Wasiir ayaa ssidoo kalena intaasi ku daray “Isu soo baxa maantu waxa uu jawaab u ahaa wixii Sool nagaga sii horeeyey, Sool waxa nagaga horeeya waji wanaagsa, dhito iyo dhaxal wanaagsan, waxaannu nahay Xukuumaddii xasilisay nabadgalyada Sool, waxaannu nahay xisbigii dib u heshiisiinta siyaasadeed ee bulshada reer Somaliland sameeyey, waxaannu nahay xisbigii horumarka iyo adeegyada bulshada wax ka qabtay, Laascaanood maanta waxa ay leedahay 13KM oo wado ah, Laascaanood Jaamacad may lahayn, waxaanu samaynay Jaamacadda Nugaal oo jaamacad weyn ah, oo maanta ay ka qalinjabiyeen kuna badhaadheen da’ yarta Laascaanood.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena ka hadlay waxqadbka baaxada leh ee Xukuumada KULMIYE ay ka hirgalisay Sool waxaanu yidhi “ Waxaannu nahay xisbigii kawaanka iyo sariibada magaalada sameeyey, ee bacadka hablihii iyo dumarkii wadhatada ugu reeyey, waxaannu nahay xisbigii boodhinka weyn ee Seceondary-ga ah sameeyey, waxaannu nahay kuwii sameeyey ceelasha biyaha ee faraha badan, waxaanu nahay kuwa dugsiyda faraha badan sameeyey, ummaddii ayaannu midaynay, dib ayaannu u heshiisiinay, horumarna waannu u horseednay, Sool waxaas ayaa naga soo horeeya, maxaa kaga soo horeeya ee ay gashadeen WADDANI Iyo UCID?  Reer Sool  waa shacbi gob ah, waa gurigii garaadada, dad ay taasi ka khaldami karto maaha, waxa ka jirta gobolka Sool kolka ay cadaalad daradu dhacdo hal hays, Garaadow garaad kaa lihi, Maanta hadaanu xumaynay Sool waxa nala odhan lahaa KULMIYOW xisbi kale kaa lihi, balse waxa ay noqotay, KULMIYE waa xisbigayagii waa ciwad celinaynaa waana abaal celinayaa ayaa nalagu yidhi, 13 November ayey muuqan doontaa guud ahaan gobolka Sool inuu KULMIYE si weyn ugu guulaysto oo aannu maquunino musharaxiinta layliga iyo jaro-baradka ah ee aannu talada dalka isku hayno.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.