Suuqa ganacsiga xaafada Islii ee magaalada Nairobi oo wali xiran

Nairobi, Kenya – (warsoor) – Sabti, Maaro, 04, 2017 (HOL)- Kadib rabshado ka dhashay khilaaf soo kala dhaxgalay ganacsatada waaweyn ee suuqa xaafadda Islii iyo ganacsatada yar yar ee loo yaqaan’’ Waratada’’ ayaa sababay in qeybo ka mid ah suuqa gaar ahaan ganacsiga Soomaalida albaabada leysugu dhufto.

Guddiga ganacsatada xaafada Islii ayaa sheegay in uu xiran yahay suuqa inta laga xalinaayo khilaafka jira iyo cabashada ay mujinayaan ganacsatada yar yar ee suuqa xaafada Islii ku ganacsata, kuwaasi oo ka cabanaya ganacsatada waaweyn.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in masuuliyiin sare ay ku lug leeyihiin khilaafka u dhaxeeya labadaasi dhinac iyo in aan wali xal laga gaarin khilaafkooda, waxayna sheegeen in suuqa uu xirnaanayo ilaa khilaafka laga xalinaayo.

Isku dhaca ganacsatada yar yar iyo kuwa waaweyn ayaa la xiriira in ganacsatada Waratada loo yaqaan qiimo yar ay dadka uga iibinayaan alaabaha ay hayaan, halka kuwa waaweyn arintaasi ay ka soo horjeedaan, maadaama Suuqii uu ku xumaaday.

Ugu danbeyntii, arintaan ayaa la filayaa inay soo fara galiyaan Maamulka xaafadda Islii ee Magaalada Nairobi si xal buuxa looga gaaro dhibaatada ka taagan isku dhaca ganacsatada Soomaalida Islii.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com

Xigasho: Hiiraan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.