Sucuudiga oo Mareykanka uga digay dacwadda weerarkii 2001

Suudi carabiya – (warsoor) – Sucuudi Carabiya ayaa ugu baaqday aqalka Congress-ka mareykanka in uusan u ogolaan elehada dadkii ku dhintay weerarkii 11-kii September 2001-dii in ay qaadaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah boqortooyada Sucuudiga.

Saudi Foreign Minister Adel al-Jubeir speaks during a joint press conference with his visiting Egyptian counterpart Sameh Shoukry (unseen) following a meeting on July 23, 2015 at the ministry of Foreign Affairs in the Saudi city of Jeddah. AFP PHOTO / STR
Saudi Foreign Minister Adel al-Jubeir speaks during a joint press conference with his visiting Egyptian counterpart Sameh Shoukry (unseen) following a meeting on July 23, 2015 at the ministry of Foreign Affairs in the Saudi city of Jeddah. AFP PHOTO / STR

Waxa ay sheegtay in tallaabadaasi oo lagu suurtagelinayo diidmada Congress-ka uu diiday codkii qayaxnaa ee madaxweyne Obama ku diiday sharciga fududeynaya arrintaasi ay meesha ka saareyso xasaanadda waddamda,

Sucuudiga waxa uu intaasi ku daray in tallaabadaasi ay yeelan doonto saameyn xun oo dhanka diblomaasiyadda ah.

Madaxweyne Obama ayaa dhowr jeer ka digay in arrintan ay halis gelinayso askarta iyo saraakiisha mareykanka ee ka howlgalaya dibadda, kuwaasi oo uu sheegay in ay wajihi karaan dacwad.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee mareykanka looga arrimiyo Josh Earnest ayaa sheegay in xildhibaanada Congress-ka aysan fahmin cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.

Balse hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee Senate-ka Mitch McConnell ayaa sheegay in aysan jirin cid dhab ahaantii diiradda saartay dhibaatada dhanka xiriirka caalamiga ah ee arrinta ka dhalan karto.

McConnell ayaa ka mid ahaa tiro xildhibaana ah oo ka tirsan Congress-ka mareykanka oo u codeeyay sharcigan balse hadda rumeysan in sharciga uu u baahan yahay in wax weyn laga badalo.

Waxa ayna doonayaan in ay sharcigaasi ay ku koobaan oo kaliya arrinta la xiriirta weerarkaasi, si ay u yareeyaan saameynta ay arrintan ku yeelan karto dadka ameerikaanka ah ee dibadda ku sugan.

Xigasho.

BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.