Southampon Oo St Mary’s Stadium Ku Soo Qaaxday Manchester City

Kooxda Southampton ayaa garoonkeeda St Mary’s Stadium ku soo xasuuqday Manchester City iyada oo Sadio Mane uu kulankan ka dhaliyay saddexley halka xidiga kale ee  Dušan Tadić uu kulankan ka sameeyay saddex gool caawineed. Southampton ayaa guushan wayn ku gaadhay 4:2. Da’yar Man City ee  Kelechi Promise Iheanacho ayaa laba jeer shabaqa ka soo taabtay Southampton laakiin goolashiisa ayaa yimid waqti uu City dhibtu soo gaadhay.

Dagalka kaalinta afraad ayaa si wayn dib ugu furmay iyada oo Manchester City ay 36 kulan ka heshay 64 dhibcood halka Manchester United ay 35 kulan ka heshay 60 dhibcood sidaa daraadeed haddii ay Red Devils guul gaadho kulanka u baaqday waxay hal dhibic ka danbayn doontaa City oo waliba la ciyaari doonta Arsenal.dagaalka kaalinta afraad ayaa hadda dib u furmay iyada oo guuldarada soo gaadhay City ay qayb wayn ku yeelan doonto.

mane_goal

Manchester City ayaa marti u ahayd kooxda Southampton waxayna Sky Blues ay kulankan ciyaaraysay iyada oo ku fikiraysay in ay ay Arsenal dib uga soo ceshato kaalinta saddexaad, laakiin sidoo kale City ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo ka fikiraysay kulanka lugta labaad ee Champions Leaque-ga oo ay Santiago Bernabeu ku booqan doonto Real Madrid.

Tababare Manuel Pellegrini ayaa shaxdiisa u badalay 4-4-2 waxaana afarta difaaca ah kuwada bilawday Zabaleta, Otamendi, Mangala iyo Kolarov halka afarta khadka dhexe ay kuwada jireen Delph, Fernandinho, Nasri iyo Sterling waxaana weerarka ka wada ciyaarayay Bony iyo da’yarka  Iheanacho.Goolhaye Joe Hart ayaa saftay  kulankiisii 300 aad ee Premier Leaque-ga. Sergo Aguero iyo Navas ayaa kaydka lagu nasiyay.

Manchester City ayaa ciyaarta ku bilaabtay in ay si fiican kubbada iskugu dhiibto isla markaana ay fursad abuuris samayso laakiin Southampton ayaa dhinaceeda dagaal ugu jirtay in ay Man City xili hore culays ku abuurto oo ay la timaado goolal taas oo ay muddo kadib ka rumaysay.

DAQIIQADII 25 aad Saints ayaa helay fursada ay hogaanka ciyaarta kula wareegeen kadib markii uu Shane Long goolka furitaanka udhaliyay, wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad uu soo karoosay Dušan Tadić waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Southampton hogaanka ciyaarta kula wareegtay. Martina ayaa kubbad u bixiyay Dušan Tadić kaas oo isna kubbada soo hormariyay goolka City laakiin difaaca City ee  Otamendi ayaa awoodi waayay in uu kubbada iska saaro waxaana markiiba kubbada dhamaystiray Long.

DAQIIQADII 28 aad oo ah saddex daqiiqo oo kaliya kadib goolka furitaanka ee Southampton, kooxda maritida loo ahaa ee Saints ayaa la timid goolkeeda labaad waxaana markan kubbad qurux badan si fiican u dhamaystiray  Sadio Mané kaas oo kubbad dilaa ah ka helay Dušan Tadić oo isaguna sameeyay gool caawintiisii labaad, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Southampton si deg deg ah hogaanka u dheeraysatay.

Manchester City ayaa u muuqatay mid kala daadatay oo aan awood u lahayn in ay iska joojiso weerarka xad dhaafka ahaa ee Saints waxayna daqiiqadii 36 aad Southampton u muuqatay in ay heshay goolkeeda saddexaad kadib markii ay si fiican iskugu xidhmeen laba ciyaartoy oo horyaalka Holland hore uga soo ciyaaray oo kala ah Martina iyo Clasie laakiin fursadan ayaan noqon mid culayska sii saarta City.

DAQIIQADII 44 aad da’yarka Man City ee  Kelechi Promise Iheanacho ayaa Sky Blues ciyaarta dib ugu soo celiyay kadib markii uu gool qurux badan madaxa ku dhaliyay, Iheanacho ayaa marka hore weerarka soo dhisay wuxuuna kubbada u sii dhiibtay Nasri kaas oo kubbada soo hormariyay goolka Southampton laakiin kubbad uu iska saari kari waayay Martina ayuu Iheanacho madaxa ku dhamaystiray isaga oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Southampton hogaanka ciyaarta ku hayso.

Qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2:1 ay Southampton hogaanka ku haysay waxaana lays waydiinayay haddii ba ay Manchester City awoodi doonto in ay ciyaarta si buuxda dib ugu soo laaban karto qaybta danbe. Ku darsoo Manchester City ayaan guul gaadhin kulan horyaalka Ingiriiska ah oo qaybta hore laba gool hogaanka looga qabtay tan iyo sanadkii 2012 kii markaas oo ay Tottenham ka gaadheen guul soo laabasho ah iyada oo qaybta hore laba gool hogaanka looga qabtay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Manchester City soo laabtay iyada oo raadinaysa goolka barbaraha laakiin sidoo kale Southampton ayaan dab yar shidayn waxayna u soo tafa xaydatay sidii ay ciyaarta hurdada ugu diri lahayd ee ay ula iman lahayd goolka saddexaad.

DAQIIQADII 57 aad Sadio Mané ayaa markale goolka saddexaad ugu qubeeyay Manchester City kadib markii uu difaaca Sky Blues ku fashilmay in uu iska saaro kubbad birta ka soo booday oo uu madax ku darbeeyay Van Dijk, wuxuuna Mane ciyaarta ka dhigay 3:1 ay Saints dib ugu soo ceshatay hogaankii labada gool ahaa. Van Dijk’ ayaa marka hore u muuqday in uu darbo madax xoogan ah goolkan ku dhaliyay laakiin darbadiisa ayaa ka soo booday birta goolka waxaana markiiba kubbada dhamaystiray Sadio Mane oo sidaa ku dhaliyay goolkiisa labaad ee shaqsiga ah.

Goolkan ayaa niyadjab wayn ku abuuray kooxda martida ahayd ee Man City halka uu Southampton sii yay kalsooni dheeraad ah. Southampton ayaa bilawday in ay raadiso goolal kale waxaana daqiiqadii 65 aad goolka afraad ee Saints wax yar u jirsaday Virgil van Dijk kaas oo kubbad laba laba lugoodley ah goolkan ku dhalin gaadhay laakiin Hart ayaa gacan iskaga saaray.

DAQIIQADII 68 aad xidiga garoonka ee  Sadio Mané ayaa dhamaystirtay saddexleyda uu kulankan ka dhaliyay isaga oo markan si wayn ukala dhantaalay difaaca City oo kulankan ku ceeboobay wuxuuna marka hore kubbad ka helay Dušan Tadić kaas oo isna saddexley gool caawineed sidaa ku sameeyay, wuxuuna Mane kubbada kula soo baxay goolka City wuxuuna si degan udhaliyay goolkiisa saddexaad iyo goolka afraad ee Saints waxayna ciyaartu noqotay 4:1 ay Southampton ku xasuuqayso City.

Sadio Mane ayaa noqday ciyaartoygii labaad oo kaliya ee goolhaye Joe Hart ka dhaliyay saddexley kulan Premier Leaque-ga ah waxaana ka horeeyay Gabriel Agbonlahor kaas oo sanadkii 2008 kii Hart saddex jeer shabaqa ka soo taabtay laakiin waxaa sidoo kale mudan in la xuso in Dušan Tadić uu kulankan sameeyay saddexley gool caawineed laba jeer goolal ka caawiyay Mane halka uu markii ugu horasyay Long goolka furitaanka ka caawiyay.

DAQIIQADII 78 aad da’yarka Manchester City ee  Kelechi Promise Iheanacho ayaa cidkasta yaabsaday kadib markii uu Southampton ka dhaliyay gool layaableh oo aan la rumaysan karin qaabka lama filaanka ah ee uu goolkan udhaliyay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 4:2 ay wali Saints hogaanka ugu hayso ciyaarta. Iheanacho ayaa kubbad Jesús Navas kaga helay cidhifka xerada ganaaxa Southampton, markiiba waxa uu tuuray darbo cajiib ah wuxuuna sidaa ku dhaliyay goolka soo yareeyay farqiga goolasha ee Southampton.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 4:2 ay Southampton ku soo dubatay Manchester City , waxayna guuldarada soo gaadhay Man City ay fursad wayn u noqotay Arsenal oo baaqi ku sii ahaan doonto kaalinta saddexaad, markale guuldarada Man City ayaa rajo wayn siinaysa Manchester United oo barbaro la gashay Leicester City.

Manchester City ayaa 36 kulan ka heshay 64 dhibcood halka Manchester United ay 35 kulan ka heshay 60 dhibcood sidaa daraadeed haddii ay Red Devils guul gaadho kulanka u baaqday waxay hal dhibic ka danbayn doontaa City oo waliba la ciyaari doonta Arsenal.dagaalka kaalinta afraad ayaa hadda dib u furmay iyada oo guuldarada soo gaadhay City ay qayb wayn ku yeelan doonto.

Xigasho: Laacib

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.