Soomaaliya oo ku guuleysatay doorashada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey

New York(SONNA): -Soomaaliya ayaa loo doortay xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey muddo seddex sano oo ka bilaabmaysa 1 Janaayo, 2019-2021, iyadoo ku soo baxday 170 cod oo ay kaga dhex tartantay koox dalal Afrika ah.

Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in xubin cusub ka noqoto Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobey kadib dadaal xooggan oo uu muujiyay Ergeyga Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee New York, Danjire Abuukar Daahir Cusmaan.193 xubnood ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa kulan doorasho ah qabsaday si loo doorto xubnaha cusub ee Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey. 18 xubnood ee cusub ee la doortay waxay ku soo baxeen cod aqlabiyad leh oo si qarsoodi ah loo qaaday. Dal waliba oo xubin ka noqonaya golahaasi waxaa looga baahnaa inuu la yimaado in aan ka yarayn 97 cod si loogu doorto golaha.

Soomaaliya waxay ka dhex tartamaysay koox dalal Afrikaan ah si ay u hesho kursi. Waxaa Soomaaliya la mid ahaa Burkina Faso, Cameroon, Eritrea iyo Togo, iyadoo Soomaaliya  lagu doortay cod aqlabiyad leh oo ah 170 cod oo ka qeyb ah 193 codeeyeyaal.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.