Soomaaliya, K/Suudaan iyo Iiraan oo laga saaray mid ka mid ah barnaamijyada Qaxootiga ee Australia

Muqdisho – (warsoor) – Dowladda Australia ayaa sheegtay in dalalka Soomaaliya,Koonfurta Suudaan iyo Iiraan ay ka saartay Liiska waddamada codsan kara mashruuca Bani’adamnimo ee dadka Soo galootiga ah ay dib u dejinta uga helayaan Dalkaasi.

Muhaajiriinta ka yimaada siddeed dal ayay Dowladda Australia sheegtay in loo kala horumarin doono mid ka mid ah Barnaamijyada dib u dejinta Qaxootiga ee Australia,waxayna  muwaadiniinta kale ay u sheegeen in codsigooda aysan u badnayn in la aqbalo.

Wargeyska The Guardian ayaa ogaaday in dalalka mudnaanta leh ay kala yihiin Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo,Afgaanistan,Eritrea,Ethiopia,Myanmar,Bhutan,Syria iyo Ciraaq,iyadoo wadamo dhowr ah oo horay loogu tixgeliyay Barnaamijka dib u dejinta hadda laga saaray,sida Koonfurta Suudaan,Soomaaliya iyo Iiraan,awoodna uma yeelan doonaan iney codsadaan Mashruuca dib u dejinta dadka Soo galootiga ah ee Dowladda Australia ay bixiso.

Tallaabadaan ayaa waxaa dhaleeceeyay qaar ka mid ah Hogaamiyaasha caalamka iyo waliba Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha,iyagoo ku tilaamay “ Midab takoor cad”.

Mashruucaan dib u dejinta dadka Soo galootiga ee Australia ayaa ahaa mashruuc la soo jeediyay lana bilaabay sanadkii 2013-dii.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Australia ayaa Wargeyska The Guardian u sheegay in mudnaanta Mushruuca bini-aadanimo ee Australia qeybna ka ah Mashruuc lagu taageerayo Bulshada uu yahay mid sanad kasta ay go’aamiso Dowladda.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.