Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday seddex heshiis oo shaqa abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed

Muqdisho (warsoor) Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir wada shaqeyn wanaagsan uu ka dhaxeeyo ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka waxay ku kala saxiixdeen seddex heshiis oo lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya.

Munaasabada lagu kala saxiixday Heshiisyadan Waxaa goobjoog ka ahaa Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.

Dhawaan Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa saxiixay labo Heshiis oo hore ay u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar kuwaasoo kala ah Mashruuca Adeega Duulimaadka iyo Iskaashi dhinaca Caafimaadka.

 

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.