Soomaali ka mid ah dadka ka qaxay Ukraine ee gaaray xuduudda Poland

YUKRAYN – (WARSOOR) – Kumannaan kun oo qaxooti ah oo ka cararay duullaanka Ruushka ee magaalada Kyiv ee caasimadda Ukraine ayaa haatan gaaray xadka dadlkaasi uu la leeyahay Poland.

Wasiir ku-Xigeenka arrimaha gudaha ee Poland Pawel Szefernaker ayaa Sabtida maanta ah sheegay in 115,000 qof oo ka yimid Ukraine ay soo galeen Poland, tan iyo markii uu toddobaadkan bilowday weerarka Ruushka ee Ukraine.

Soomaali fara badan oo ku noollaa magaalada Kyiv ayaa ka mid ah dadka qaxay ee gaaray Poland. Cabdulqaadir Maxamed Samakaab ayaa la xiriiray Maxamuud Carab, oo ah saxafi ka mid ah Soomaalida ku sugan xadka Poland islamarkaana sugaya in la qaabillo. Waxa uuna ugu horreyn weydiiyay waxa ay kala kulmeen safarka ay kaga bexeen Kyiv kuna gaareen xuduudda Poland.