Sonkorta Jooji

Dhibaatooyinka Jireed iyo Maskaxeed ay leedahay Cunista Sonkorta waxa ka mid ah:

  1. Daal fara badan. Marka ugu horeysa uu qofka cunto, cabitaan ama macmacaan sonkorta ku badan tahay cuno energy-giisa ayaa kor u kacaya balse 30 daqiiqo ka dib marki jirka burburiyo sonkorti wuxuu dareemaa tacbaan, qofki oo jeclaada inuu iska fadhiyo oo waxba qaban
  2. Maadada Xisaabta oo uu ku liito iyo guud ahaan Waxbarashada. Sonkorta & macaanka badan waxay qofka ka lumisaa feejignaanta iyo awooda uu diirada iyo xooga ku saaro waxbarashada
  3. Miisaanka ayay kordhisaa oo cayil sababtaa maadaama kalooriyada (calories) ku jiraa uu jirku kaydsado. Wax nafaqo ahna ma leh
  4. Cuduro iyo xanuuno halis ah oo ay ka mid yihiin cudurka macaanka iyo wadno xanuunka
  5. Ilkaha oo suus ku dhasho, dalooshama kadibna dhamaada bakteeriyada sonkorta ee afka ku harta darteed
  6. Shaki iyo buufis badan. Qofki oo u qaata in hadal kasta si shaqsi ah in loola jeedo. Warwar, murugo iyo qofki oo nervous iska ah inta badan
  7. Caajis iyo wahsi badan ayay keenaan sonkorta iyo macaanka badan – Saynisyahano qaar waxay ku doodaan in xoogaa doqononimo ahna uu qofka ka qaado
  8. Xanaaqa ayaa qofka ku bata – si deg-deg ah ayuu uga caroodaa wax kasta, sonkorta iyo macaanka oo jidhka ku badan dartood
  9. Maqaarka qofka oo ay saamayn weyn ku yeelato, qofka oo wajiga iyo jidhkiisu yeesho laalaab iyo coodh-coodh, uuna ka muuqdo da’ ka wayn tan uu markaa yahay.

Soomaalidu waa dad aad u isticmaala Sonkorta. Waana sababta fadhiga noogu badan yahay, wax soo saarkana noogu yar yahay.
Jooji Sonkorta ama iska yaree si tartiib ah. Tijaabi hal Bil waxaad helaysaa energy badan, deganaansho, firfircooni iyo caafimaad.