SOMALILAND: SHIRKADAHA ISGAADHSIINTA OO LAYSKU FURAY IYO NUXURKA HESHIIS DHEXMARAY TELESOM IYO SOMTEL

Hargeysa (Hayaannews)- Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Somaliland, ayaa soo gebo-gabaysay heshiis suurto-galinayo inay isku furmaan isla markaana bulshadu iskula xidhiidhi karto telefoonnada shirkadaha Isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL.

Heshiiska ayaa marka la hirgaliyo waxa uu sahli doona, in qofka haysta kaadhka Somtel uu wici karo qofka haysta Kaadhka Telesom, halka qofka haysta kaadhka Telesom uu awoodi doono inuu la xidhiidho Macmiilka shirkadda Somtel

Kulan maanta ku qabsoomay magaalada Hargeysa oo ay shirkadaha Iskaadhsiintu Heshiiska ku kala saxeexdeen, waxa goob-joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technolojadiyadda iyo xubno kale oo tirsan golaha Wasiirrada Somaliland.

Sidaa waxa lagu sheegay War-saxaafadeed maanta ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, ayaa lagu sheegay inay wasaarad ahaan ku guulaysteen hirgelinta heshiiska isku-xidhka shirkadaha oo marxalado kala duwan soo maray.

Warka ka soo baxay wasaaradda Isgaadhsiinta ayaa u qornaa sidan:- “Waxa ay maanta Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyaddu soo gabogabaysay Heshiiska lsku-xidhka Shirkadaha lsgaadhsiinta (Telecom Interconnection) oo Isku furaya wada-hadalka shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo SOMTEL.

Heshiiskan oo soo maray marxalado kala duwan oo ka bilaabmay diyaarinta “Xeer-nidaamiyaha Isku-Xidhka Shebekadaha” oo ay Wasaaradda Isgaadhsilnta iyo Tiknoolajiyaddu la tashi kala samaysay shirkadaha ay khusayso qaab waafaqsan Xeerka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ee Xeer Lr.50/2020, shuruucda iyo xeerarka caalamiga ee maamula suuqa isgaadhsiinta.

Isku-Xidhka Shabkadaha tsgaadhsiintu waa waajib saaran shirkadaha isgaadhsiinta ee dalka, si loogu fudaydiyo macmiilka wicitaanka qofka kasta oo sita telefoonka gacanta oo ka diiwaan gashan dalka, sidoo kalena loo helo tartan sax ah oo dhexmara shirkadaha, loona kobciyo suuqa Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda dalka.

Wasaaradda Isgaadhsiintu waxa ay Halkan uga mahadnaqaysaa shirkadaha isgaadhsiinta ee aqbalay heshiiska, waxa ay sidno kale bogaadinaysaa bulsho weynta Somaliland oo in badan ka dhursugaysay hirgalinta isku xidhka telefoonada oo u suurto galinaysa in ay wada hadlaan iyaga oo adeegsanaya shirkadda ay doonaan.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka Wasaaradda Isgaadhsiinta oo aan lagu xusin wakhtiga rasmiga ah ee uu heshiiskani dhaqan-galayo.

Heshiiska ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba todobaad gudaheeda ah dhexmara shirkadaha Isgaadhsinta ee dalka waxaana lagu tilmaamay guul wax ku ool ah oo ay ku tallaabsatay wasaaradda Isgaadhsiiinta Somaliland.

Saddexda shirkadood ee Somtel, Somcable iyo Telesom, ayaa 08-dii bishan February kala saxeexday heshiis saami-qaybsi ah oo ay si wada-jir ah u wadaagayaan Xadhigga Internetka Fiber Optic-ga oo markii hore Kooto ugu xidhnaa shirkadda Somcable. Saddexda shirkadood ayaa ku heshiiyey inay kala qaataan saami-qaybi dhan boqolkiiba 31 halka saamiga soo hadhay ay iska leedahay xukuumadda Somaliland.