Somaliland oo Raadinaysa hal Milayn oo Qof oo Saxeex Dalabka Ictiraaf-raadina

Hargeysa – (warsoor) – Kulan ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland oo ay ku raadinayso hal milyan oo qof oo Somaliland oo saxeexa dalabka ictiraaf-raadinta Somaliland oo loo gudbinaayey beesha caalamka ayaa ka dhacay magaaladda Boorama maalinimadii khamiista.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta dawladda Hoos ee magaaladd Boorama waxaana ka soo qayb-galay gudoomiyaha gobolka Awdal Maxamud Cali Saleebaan Ramaax, masuuliyiin dawladda ah iyo xildhibaanadda Golaha deegaanka ee degmadda Boorama.

agaasimaha_wasaaradda_abdiraxmanAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Dibadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Abdeeq oo kulankaasi ka hadlay ayaa sharaxay qaabka loo saxeexaayo foomka dalabka Ictiraaf raadinta Somaliland waxaanu yidhi, “Waxaanu maanta halkan iskugu nimid in aanu helno hal milyan oo Somalilanders ah saxeexooda, dhamaan wuxuu ka socdaa barnaamijkaa saxeexa petition-ku ama qaabkii loo heli lahaa codsiga saxeexa Somaliland kaasi oo ay ku raadinayso sidii ay ictiraaf uga heli lahayd beesha caalamka”.

Agaasimaha Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa sheegay in loo baahan yahay inuu qofku qoro magaciisa, iyo telefoonkiisa  ka dibna saxeexo. Qofka da’da ah ee saxeexi karina loo qoro magaciisa ka dibna uu suulka saaro meesha saxeexa.

badhasabka_awdal_ramaaxGudoomiyaha gobolka Awdal Maxamud Ramaax ayaa adkeeyey hadalka agaasimaha waxaanu ku booriyey dadweynaha reer boorama inay ka qayb-qaataan waxaanu yidhi, “Waxaan runtii dadweynaha aad iyo aad ugu bogaadinayaa in ay si fudud magacoodna u qoraan, telefoonkoodana u qoraan, saxeexaana. Inta kaliyaa ee la inooga baahan yahay waa intaas”.

Maayer ku-xigeenka dawladda Hoose ee Boorama Cumer Ileeye Jimaale oo ka hadlay goobaha ay wasaaradda arimaha dibaddu ka soo bilaabeen maayer_ku-xigeenka_booramasaxeexa dalabka ictiraaf raadinta Somaliland ayaa yidhi, “Waxay ka soo bilaabeen Jaamacadda, isla markaana maanta ay fadhiyaan laamihi wasaaradaha kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland, badhasaabkii iyo maamulkii degmaduba, dhamanteen si aanu uga wadda qayb-qaadana kaasi weeye”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.