Somaliland oo Marti-qaad u fidisay Ra’iisal Wasaarihii Hore ee Kenya  Raila Odinga

Kenya – (warsoor) – Safiirka Somaliland ee dalka Kenya ayaa sheegay in dhawaan kulan uu la yeeshay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka Kenya ahna hogaamiyaha xisbiga mucaaridka dalka Kenya Raila Odinga oo uga mahadnaqay taageeradda uu u muujiyey Somaliland.

Safiirka Somaliland ee dalka Kenya Md. Cabdilaahi Cabdi Cali ayaa sheegay inuu Raila oga mahadnaqay hadalkii geesinimadda lahaa ee uu ku taageeray Somaliland xili uu khudbad ka jeediyey magaaladda London ee cariga Ingiriiska.

Safiirka_somaliland

“Shalay marti-qaad aan marti-qaaday gudoomiyaha isbahaysiga CORD Raila Amolo Odinga aan shalay ku kulanay magaaladda Nairobi, ayaan shalayto geesinimaddii uu ku taageeray Somaliland London speech uu ka bixiyey ayaan shalayto u mahadceliyey. Mahadaasi oo aan ka siday wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland iyo dawladda Somaliland guud ahaan”, sidaasi waxaa yidhi safiirka Cabdilaahi.

Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Md. Cabdilaahi ayaa sheegay inuu Raila Odinga u aqblay martiqaadkii Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland u fidhiyey. Sidoo kalena taageeradii uu Somaliland u fidhiyeyna aanu waligii ka noqonaynin cidna aanu kaga baqaynin.

Halka ka daawo muqaalkii uu Raila Odinga ku taageeray Somaliland:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.