Somaliland oo ka hadashay xilka qaadistii Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland

Hargeysa – (warsoor) – Xukumada Madaxwayne Muuse ayaa Sharci Darro Ku Tilmamaay Xilka Qaadistii Lagu Sameeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Puntland.

Wasiirka Wasaarada Biyaha Soomaliland Salebaan Cali Kore oo warbaahinta dalka ay wax ka waydiisay sida ay ka xukumad ahaan u arkaan,xilka qaadistii gudoomiyaha barlamaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxa ku dhacay Gudoomiyaha.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay soo dhawaynayaan isla markaana xukumada madaxwyane Muuse u aqoonsatay qof Soomalilander ah.

โ€œWaxaan u aragnaa kolay arinkay sheeganayeen inaanay marin iyo ida dastuurkoodu qorayo,cidi meesha fadhidayna aan sidii sharciga ahayd loo marin.waa war guud waxana u aragna inuu sifo sharci daro u dhacday,dhoobo waa nin reer Soomaliland ah waxana jeecelanahay inuu isaga oo Soomaliland aaminsan uu yimaado,sababta oo ah waa dadka aan u sheegaynay in Soomaliland ay la wada leeyahay ay tahay.โ€ayuu yiri wasiir Salebaan Cali Kaoore .

Wasiir Salebaan Cali Koore ayaa u mahadnaqay ugu danbaynyii dadka degan bariga Soomaliland ee ka gilgilshay sida loola dhaqmay gudoomiyaha barlamaanka maamulka Puntland Dhoobeย  oo hada ku sugan Xiin Galool.

Xigasho: Radio Risaala

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.