Somalia oo ku guuleysatay Kursiga Guddoomiye Ku-xiggeenka Guddiga Sharciga ee Hay’adda Solar-ka Adduunka

India – (warsoor) – Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u Fadhiya dalka India marwo Faaduma Cabdullaahi Maxamuud ayaa dhowaanahaan waday booqoshooyin ay ku tageysay xarumaha Dawladda India, Hay’adaha caalamiga ah ee degan dalkaan iyo safaaradaha ay Somalia xadhiidkaa dhaw leeyihiin, sida kuwa Africa, carabta iyo dowladaha kale ee caalamka.

Safiirka ayaa ka qayb gashay shirka hay’adda caalamiga ah ee solar ka addunka ee ISA kadib shirkaasi waxa ay Somalia ku guulestay kursiga gudoomiye ku xigeenka gudigga sharciga hay’adda caalamiga ah ee solar addunka, waxaana hadda guddoomiye ka ah guddiga sharciga dalka Australi.

Kulan guud oo ay yeesheen agaasimaha guud ee hay’adda ISA upendra triphty iyo safiirka Somalia ee India marwo Faaduma Cabdullaahi Maxamuud ayaa waxa looga wada hadlay sida looga fa’iideysan karo tamarta cadceeda Somalia iyo in dalka ay tagaan Khuburo ka socda ISA sido kale in dalka somalaia ka sameyaan mashruca looga faa’iidaysanayo keydka Qoroxda, ka dibna loo badalo hab koronta ah iyo in ay tababaro usameyaan dadka Soomaaliyed, si ay waxbadan uga faa’iideystaan.

Ugu dambeyn kulanka Danjire Faadumo ay la yeelatay Agaasimaha guud ee ISA ayaa ku dhammaaday Isfahan iyo wada shaqayn, waxa ay safiirka iyo u qaybsanaha ganacsiga iyo warashadaha Safaarada Somalia ee dalka India ay halkaasi ku abuureen geed sharafeedka Somalia, maadaama ay xubin ka yihiin ISA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.