SOLJA: Shir-weyne Lagaga Hadlayo Arrimaha Saxaafadda Somaliland Oo Ka Furmay Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Shirweyne Caalamiya oo lagaga hadlayo Arrimaha Saxaafadda Somaliland, ayaa Salaasadii Shalay ka furmay Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.

_mg_9851

Shirkan oo la soo gebobaynayo Arbacada Maanta oo ku beegan Maalinta Saxaafadda Somaliland, ayaa waxa soo qaban-qaabiyey Ururka Saxaafadda Somaliland ee SOLJA oo kaashanaya Hay’adda Media INK oo hore loo odhan jiray (Free Press) iyo Daneeyayaasha Horumarinta Saxaafadda.

Shirweynahan oo ay ka qayb-galeen Suxufiyiin ka badan 150 iskaga kala yimid Gobollada Somaliland oo dhan, ayaa labada Maalmood ee uu socdo waxa lagu lafa-gurayaa Caqabadaha haysta Saxaafadda iyo Suxufiyiinta, waxaana gebogabada laga soo saarayaa War-murtiyeed ku aaddan Marxaladda Saxaafadda Somaliland mareyso, doorka ay kaga jirto Horumarka Dalka iyo baahiyaha jira ee u baahan in gacmaha la isku qabsado sidii Saxaafaddu uga gudbi lahayd.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee SOLJA qabato tan iyo xilligii la aasaasay ayaa waxa furitaankiisii ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Shukri Xariir Ismaaciil, Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan, Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Gar-yaqaanno iyo inta badan Odayaasha Saxaafadda oo Muddada uu socdo ka qayb-gelaya doodo Xubnaha Saxaafaddu ka yeelanayaan waxa la hiigsanayo.

Agaasimaha Fulinta ee Ururka SOLJA  Mr. Yaxye oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa sharraxay ujeeddada loo qabtay Shir-weynahan lagaga hadlayo Arrimaha Saxaafadda Somaliland, “Ujeeddada aanu Shirkan ka leenahay waa Saddex Arrimood, ta koowaad waa sidii wax la iskaga waydiin lahaa Arrimaha Saxaafadda ee Maanta taagan, sida in a derso Caqabadaha Saxaafadda haysta, loona soo saari lahaa Xal wax ku ool ah. Ujeeddada labaadna waxa weeyaan inay is-bartaan Suxufiyiinta ka hawl-gala Gobollada iyo Degmooyinka Dalka, ka dib markay is-bartaan wada-shaqeeyaan, sidaana ay ku timaaddo Midnimo. Ujeeddada Saddexaadna waa in gebogabada shirka laga soo saaro baaq iyo qayb abaal-marin ah oo aanu ku xuseyno Suxufigii weynaa ee Alle ha u naxariisto’e Axmed Xasan Cawke, taasi oo aanu u bixinay CAWKE MEDIA AWARD. Waxa kale oo Shirkan ku lamaan Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo ku beegan 9-ka Noofamber (Maanta).” Ayuu yidhi, Agaasimaha SOLJA, waxaanu intaa ku daray, “Waxaanu ku kalsoonnahay in Suxufiyiintu ku qanci doonaan, waxna ku kordhin doonaan Shirka, kana faa’iidi doonaan Barnaamijyada Shirka, annaga oo rajeynayna in Shirku Midho-dhalo.”

Guddoomiyaha Ururka SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), ayaa isaguna furitaanka ku faahfaahiyey hadafka loo aasaasay Ururka SOLJA, “Ururka SOLJA wuxuu u aasaasan yahay difaacidda iyo horumarinta Saxaafadda. Mabaa’diida SOLJA waxa ka mid ah Somaliland oo ku naalooto Madax-bannaani, Xorriyatul-qawl iyo Sharcigu shaqeeyo. Ururka SOLJA isagoo ka duulaya Mabaa’diidaasi wuxuu ayidsan yahay Mabaa’diida guud ee ku qoran Dastuurka JSL, sidoo kale wuxuu ayidsan yahay Xeerka Saxaafadda oo laga soo dheegay Mabaa’diidaa guud iyo qorshayaasha Qaranka u degsan, Qorshaha u degsan Wasaaradda Warfaafinta iyo qorshaha SOLJA u degsan oo Muddo Saddex Sannadood ah shaqeyn doona. Ururka SOLJA wuxuu aasaasan yahay 14 Sannadood, muddadaa wuxuu suxufiyiinta u soo qabtay Hawlo badan, oo uu ka soo saaray duruufo adag, illaa Maantana wuu la tacaalayaa, iyadoo SOLJA ay ku mideysan yihiin Saxaafadda Madaxa-bannaan iyo Saxaafadda Dawliga ah.”

Guddoomiyaha SOLJA oo ka warramay waxqabadka SOLJA muddada uu isagu Xilka hayo, taasi oo ay ka mid yihiin Tababbaro Ururku u qabtay Suxufiyiinta Gobollada Dalka oo dhan, isagoo sheegay in Sannadka soo socdana uu qorshaha ugu jiro inay Suxufiyiinta Gobollada Dalka u qabtaan Tababbaro la xidhiidha Sharciga “Maaddaama oo Tababbaradii hore ee aanu ka helnay Waayo-aragnimo ah in Shaqadii Saxaafadda uu saamayn ku yeeshay Sharciga, oo aanu Xeerkii hore ee (Saxaafadda) ku tababbarno Suxufiyiinta, kana ururrino Xogo iyo Macluumaad, maaddaama oo uu Golaha Wakiillada hor-yaallo Xeer Xukuumaddu ugu talo-gashay in Xeerkii hore lagu kabo, markaasi ka dibna aanu Xogahaa u bandhigno Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo uu hor-yaallo Xeerkaasi.” Ayuu yidhi, Guddoomiye Xuuto, waxaanu intaa ku daray, “Waxyaabaha aanu Saxaafadda u qabanay waxa ka mid ah inaanu samaynay Sanduuq aanu ku difaacno Suxufiyiinta, kaasi oo aanu ugu kireyno Looyarro. Dacwadaha yimaadda waxaanu ka maareynaa Sanduuqaas.”

Guddoomiyaha SOLJA waxa kale oo uu sheegay inay Sannadkan sameeyeen Aqoonsiga Suxufiyiinta, maaddaama buu yidhi ay Cabashooyin ka imanayaan Suxufiyiinta marka laga hor istaago Hawl-maalmeedkooda, “Inkastoo Hay’adaha Warbaahinta ee ay ka shaqeeyaan siiyaan Kaadhadh aqoonsi, haddana waxa lagama maarmaan noqotay inay helaan Kaadh aqoonsi oo Ururka ay ka tirsan yihiin ah, Wasaaradda Warfaafintana waanu isla qaadanay. Waxa kale oo aanu soo saarnay Hal-beegga Saxaafadda Somaliland, oo ay Hay’adda UNISCO naga caawisay, waxaana ku duuggan Macluumaadka looga baahan yahay Saxaafadda Somaliland oo dhan.”

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu sheegay in saxaafaddu qabto inay Dacwadaha ka dhanka ah loo maro Xeerka Madaniga ah, kaasi uu qabo Qodobka 10-aad ee Xeerka Saxaafadda Somaliland, “Laakiin, waxaad mooddaa inaan illaa hadda aan Qodobkaa lagu camal-felin. Waxaanu Maxkamadda Sare ka sugeynaa inay Xukuumadda u fasirto oo ay u caddeyso in Dacwadaha Suxufiyiinta loo maro nidaam Madaniya” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Dacwadihii Saxaafadda ee Ururka SOLJA ururiyey Sannadkii 2014-kii waxay ahaayeen ku dhawaad 90 Dacwadood, Sannadkii 2015-kii waxay hoos ugu soo dhaceen 21 Dacwadood, Sannadkan aynu ku jirno ee 2016-ka Dacwaduhu waxay ku soo dhaceen 13 Dacwadood.”

_mg_9871

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna ka mid ahaa Masuuliyiinta furitaanka Shirkan ka hadlay, ayaa ku taliyey in wax laga beddelo Xeerka Saxaafadda Somaliland, “Waxaan Xal u arkaa in wax laga beddelo Xeerka Saxaafadda, Waayo? Xeerka waxa ku jira qodob odhanaya ‘waxaan Xeerkan ku jirin waxa loo raacayaa Xeerarka kale ee Dalka, Xeerarka Dalkana waxa ka mid ah Xeerka Ciqaabta guud, markaa Ninkii kaa doonayaa hadhow wuu kaga qaadayaa, markaa si taa loo caddeeyo, waxaana loo baahan yahay in Maxkamadda sare ku darto oo ay tidhaahdo Dacwadda Suxufiyiinta waxa loo maamuli karaa oo keliya heer Madaniya.”

Afhayeenka Xisbiga KULMIYE Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa isaguna Saxaafadda u soo jeediyey inay ka Run-sheegaan Wararka ay Ummadda u gudbinayaan, siiba Xilliyada lagu jiro Doorashooyinka, “Waxaynu ku jirnaa Xilli Doorasho, Xilliga doorashaduna waa xilliga ay Saxaafaddu aad iyo aadka Xasaasiga u tahay, waxaana ka bixi kara Suxufi Warka uu hayo ka Run-sheega, wixii uu ogyahayna aan wada-gudbin ee wuxuu is-leeyahay waxyeelo ayay keeni haya.” Ayuu yidhi.

Shirkan oo lagu soo bandhigay Dhukumantari laga diyaariyey Marxaladihii kala duwanaa ee Saxaafadda Somaliland soo martay, ayaa waxa isaguna hadal ka soo jeediyey Muuse Faarax Jaambiir oo ka mid ah Waaya-aragga Saxaafadda Somaliland, waxaanu is-barbar-dhig ku sameeyay Marxaladdii Saxaafaddu soo martay iyo Marxaladda ay xilligan ku sugan tahay.

Muuse Faarax Jaambiir, wuxuu xusay in loo baahan yahay in Saxaafaddu wada-tashiyo ka yeelato sidii ay uga gudbi lahayd Marxaladda ay xilligan mareyso, “Caqabadaha ina haysta waxaynu kaga bixi karnaa, waxaynu u baahan nahay Aqoon Sharci , mid aqooneed baynu u baahan nahay, taasina waxay u baahan tahay inaynu isku nimaadno oo aynu wax iswaydiinno oo aynu doodno. Markaa sidaynu ku hagaageyno aynu ka fikirno.” Ayuu yidhi, Muuse Faarax Jaambiir oo ah Guddoomiyaha Wargeyska Ogaal.

Gebo-gabadii waxa Shirkaasi ka hadashay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, waxayna tidhi, “Xeerka Saxaafaddu wuu wanaagsan yahay, innaga ayuu inoo hiilinayaa, Qaranka aynu masuulka ka nahayna wuu u hiilinayaa, Cidda samaynaysaa Cid kale maaha ee waa innaga, laakiin haddaynu hagranno oo Nin Walba is-yidhaahdo Shaadh ku leeg tolo, oo Dawladdu tidhaahdo Shaadh ku leeg tolo ma xeer baa soo baxaya, ma soo baxayo, markaa waa inaynu Xeerka u soo wada-jeedsanaa, Daacad ka noqonaa, meelaha uu ka qaloocan yahayna aynu ka toosinaa.”

Shirkan waxa Maanta xidhaya Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sidoo kale ka qayb-gelaya Xuska Maalinta Saxaafadda Somaliland oo Shirka qayb ka ah.

_mg_0030 _mg_9860 _mg_9861

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.