Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo Xisbiga KULMIYE iyo Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Ku Eedeeyey in ay Wadaan Qorshe Dhabar-jab Ku ah Qaranka Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo ka mid ah mas’uuliyiinta ugu sar-saraysa Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa gaashaanka u daruuray qorshe ku cusub dhaqanka iyo siyaasadda Somaliland oo ay mas’uuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo wasiiro cadheysan oo ka mid ah Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, ay magaalada Xamar ee dalka Somaliya kaga samaynayaan xaflado laga soo taageeraayo Xisbiga WADDANI, waxaana uu sheegay in dhaqankaasi uu hagardaamo iyo dhibbaato ku yahay guud ahaan Somaliland isla mar ahaantaana aanay habboonayn in ololeyaasha siyaasaddeed ay ka gudbaan xuduudaha dalka.

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta magaalada Hargeysa kula hadlaayey qaar ka mid ah Warbaahinta, waxaana uu ugu horreyn hoga-tusaaleeyey sida uu Xisbiga KULMIYE meel uga ga dhacay milgahii siyaasaddeed ee dalka iyo weli ba sida oo kale dhibbaatada ka dhalan karta marka marka uu xumaado nidaamka ololaha Xisbiyadu isla mar ahaantaana si ku xumee ah uu uga gudbo xuduudaha, waxaana uu tilmaamay in hadhow ay dhibbaatadaasi sababayso in uu wiiqmo wada-jirkii shacabku.

muniir

“Waxa aan jeclahay in aan maanta ka hadlo qodob yar oo kooban ka hadlo oo aniga maanta si gooni ah ii taabtay. Sida aynu og nahay wadanka jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhigayaa habka nidaamka Axsaabta badan oo dhigaaya, hal qof iyo hal cod in lagu yimaado nidaamka Kursiga loo soo buuxinaayo, hannaankaas na waxa ku lammaan oo ku barkan mid guud ahaan caalamku isla qaatay oo inaga jamhuuriyaddeena Somaliland, dhaqankeena iyo diinteenu ba ina farayso oo ah in Xisbigu uu ololahiisa soo bandhigo, bulshada na uu u soo bandhigo qorshe siyaasaddeedkiisa, ka dib na uu ololaha ku galo oo ciddii ku qanacdaa ay iyadu isbedel ku samayso ama kii hore u jiray ba ay ku jadiidiso, hannaankaas waxa raacsan in bulshada marka wax loo soo bandhigaayo ama cod la waydiisanaayo aanay colaad ahayn ee ay tahay dimuqraadiyad ka fog dictator nimada, ka fog cunfiga iyo kala qeybinta , si hadhow Madaxweynaha talada looggu ururiyaa uu u noqdo Madaxweyne dalka oo dhan maamulo kii u codeeyey iyo kii ka codeeyey ba, waxaana aynu ognahay in haddii ololahu uu taraaro oo marka la ololeynaayo ay soo dhex galaan waxyaabo aan loo baahnayn in hadhow ay adkaanayso dadka ururinteedu oo maanta Doorashadii ugu dambaysay ee Mareykanka waxa aynu og nahay in ololahii ka taraaray awgeed ay maanta dhibbaato haysato oo weli mudaharaado ka socdaan, ololaha ka taraaray awgeed.”.Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal

Siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo soda oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa dhayda ka caddeeyey in mas’uuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo wasiiro cadhaysan oo ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ba ay ku hawlan yihiin siddii xaflado lagu taageerayo Xisbiga WADDANI looggu qaban lahaa magaalada Xamar ee dalka Somaliland, isaga oo si hufnaan ah u caddeeyey sida Xisbiga KULMIYE uu u xumeeyey nidaamkii olole ee dalka oo hore ay si saraaxad iyo xiiso ba leh ugu soo tartameen siyaasiyiintii iyo Madaxweyneyaashii qiimaha ku lahaa dalkan Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana uu yidhi:

“Inaga dalkeena, Ilaahay baa mahad ku leh iyo boggaadin ay mudan yihiin Jileyaashii siyaasadda oo aan ka xusi karo Madaxweynahii hore ee Daahir Ra’yaale Kaahin iyo Madaxweynaha hada Md.Siilaanyo oo muddo Saddex iyo Toban sanno ah hoggaaminaayey Xisbigii waagaas hore mucaaradka ahaa ee KULMIYE oo dhinaca kale na ay ka soo horjeedeen Xisbigii xooganaa ee UDUB, waxa ay runtii soo galeen Doorasho hufan oo hannaansan oo korran maadaama oo Afar Doorasho oo ina soo maray ba mid walba ololaheedu muu ahayn mid ka gudbay gudaha Somaliland. Hada ba arrinta aan maanta doonayo in aan ka hadlaa waxa ay tahay saraakiisha Xisbiga KULMIYE iyo xubno ka mid ah wasiirada cadhaysan, ayaa waxa ay maanta ololaheena ay u gudbinayaan qeybo ka gedisan gudaha Somaliland oo xuduudka dhaafsiisan, waxa halkan laga diray dad loo dhiibay calamaanka WADDANI oo la yidhi Xamar ka soo ololeeya, kana soo muujiya in aad Xisbigaas taageersan tihiin si bulshadu u tidhaahdo Xisbigaasi waa Xisbi aaminsan Mabda’a Soomaaliweyn, umaddeena Somaliland, haddii dhibtii ay markii hore ay ku qaxeen tahay iyo haddii ay tahay dhibtii markii la soo galay dhacday ba inta ba jileyaal baa siyaasiyiin ka ahaa. Hore nidaamka dalkeena u dejisnaa waxa uu ahaa dadka aan ku qancin Somaliland ee ka soo ololeeya Xamar in marka dambe ee uu Somaliland imanaayo ay jirtay dariiqooyin uu ku imanaayo Somaliland oo ay ugu horreeyeen in uu codsi soo dalbado oo umaddu saamaxdo ka dib na uu muwaadiniinta la mid noqdo, dad badan oo Xisbiyada dalka ku kala jira ayaana dariiqaas soo maray oo dib dalkoodii iyo dadkoodii ba ula soo midoobay, wixii hore na laga cafiyey. “.

Md.Muniir, waxa kale oo uu farta ku fiiqay shakhsiyaad uu ka mid yahay wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland oo uu sheegay in uu hore wasiir uga soo noqday dawladda Somaliland isla mar ahaantaana uu ka mid ahaa raggii sida xun u dhibbaateyn jiray Somaliland balse waxa uu Muniir uu ayaan darro ku tilmaamay in Xukuumadda KULMIEY ay wiiqday habkii cafiska u soo dalban jireen siyaasiyiinta aaminsan Fikirka Somaliland marka ay dib ugu soo laabanayaan Somaliland.

“Wasiiru-dawlaha Xannaanada Xoolaha Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac, waxa uu hore wasiir uga soo ahaa Somaliya, kuwii ugu darnaa ee Somaliland la dagaalami jiray buu ka mid ahaa, hada na maanta waxa uu ka mid yahay muwaadiniinta Somaliland oo weli ba xil buu ka hayaa dalka.  Axmed Ismaaciil Samatar oo jooga isagu na Murashax Madaxweyne ayuu ka soo noqday, halka ninkii Sifir isna hore u soo noqday Raysal Wasaare ku xigeenku na uu isna joogo, marka waxa aad moodaa in qolyaha KULMIYE ay diiradda uun ku hayaan WADDANI oo mid iyo laba kali ahi ku jiraan oo ay ka xoqayaan wax intaas dhaafsiisan, waxaana aan lee yahay taasi wada-jirka dadka uun bay sii dhaawacaysaa, haddii arrintu intaas imika ka sii durugtay oo la lee yahay Xamar ka soo ololeeya na iya na waa masiibo kale oo Xisbiga KULMIYE na aan waxba u taraynin, Xisbiga WADDANI na aan waxba yeelaynin oo daacad na aan ku noqonaynin, dalkeena na hadimo iyo dhibbaato uun u horseedaysa.”.Ayuu yidhi Muniir

Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, waxa uu ugu dambeyntii uu digniin u diray mas’uuliyiinta Xisbiga KULMIYE, waxaana uu farta ugu fiiqay in dhibbaatada iyo hagardaamada ay wadaan ay noqon doonto mid dhib ku ah qaranka Somaliland oo umadda kala geynaysa.

“Mas’uuliyiinta KULMIYE iyo qolyaha wasiirada ah ee cadheysan waxa aan lee yahay waar dalkan Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu haystaa in dhibbaato ugu filan oo dhallinyarada shaqo la’aantu hayso iyo dadka abaarahu saameeyeen ba uma baahna ku jiqsii dii, isqabadkii iyo kala qoqobiddii dadka ee ilaa Qaaxo soo taxnaa oo wax kasta oo curfi iyo xumaan lagu dhisaa waa beytul Cankabuut(Guri Caaro), Ilaahay baana sheegay oo yidhi guri la dhiso waxa ugu liita oo ugu jilicsan midka ay dhisto Caaradu, Somaliland na uma baahna nin dhisaayo guri Caaro e’ waxa ay u baahan tahay guri Sagbad ah oo dadka oo dhan wada qaadi kara.”.Ayuu yidhi Muniir Axmed Cigaal

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Muniir Axmed Cali Cigaal oo aanu ka soo xiganay Faysal Fifa Channel:

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa, Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.