Siyaasi Jamaal Food oo ka hadlay Xaaladda Dalka ku sugan yahay

Hargaysa – (warsoor) – Jamaal Cabdiraxmaan Axmed (FOOD) oo ka tirsan Xisbiga Mucaaridka Ah ee Ucid Ayaa ka Hadlay Xaalada Dalka ee Waqti xaadirkan Sida Abaaraha,Arinta Saldhiga Milatari,Mudo kordhinta Xukuumada iyo Dhamaystirka Heshiiska Shirkada Maalgashiga Ku samaynaysa Dekeda Berbera

Ugu Horeyn Waxaa uu ilaahay uga Baryay Shacabka Somaliland gaar ahaana Gobolada ay Abaaruhu ka Taagan yihiin in Alle kasoo Jebiyo,Sidoo kalena Ay Dadku Alle Baryaan,isla Markaana wuxuu soo jeediyay in la Soomo Sadex Maalmood,Sidoo kalena La Tukado Salaad Roob Doon Ah

“Waxaan leeyahay Rabi Abaarta Haynaga Soo Jebiyo,Dadkeenuna Waa inay Alle Baryaan,oo ducaystaan,oo Welibana La Soomaa Sadex Maalmood isla markaana lagu Xejiyaa in Marka soonku Dhamaado La tukado Salaad Roob doon ah ,Markaas ayuu Ilaahay inoo Naxariisanayaa “Ayuu Yidhi Food.

Dhinaca Kale Wuxuu Soo Dhoweeyey Mashaariicda Horumarineed ee Xukuumadu ka Wado Gudaha Somaliland isagoo ka dhawaajiyay in Muhiimadu tahay Dal Hore u Mara oo aan halkii Lagu Ogaa Taagnayn Maadaama Xukuumadihii kale Danbeeyey ay midiba Meel Dalka soo gaadhsiisay Waayo Iftiinku Wuu  Kala Danbeeyaa Waxaana uu Yidhi. “Dadku Waxay Doonayaan In Halkii La Taagnaado, Ma Cigaal siduu kaga tagay bay Doonayaan Iyadoo la taagan yahay in la dhaho misana  Somaliland waa ay Horumartay,Maxamuud Xaashi Intuu Joogay Wasaarada madaxtooyada Wax weyn baa iska Bedelay Horumarka iyo Siyaasada Qaranka Ninkana Waa in Si kasta ood isku Haysaan Aad Sheegtaa Wixiisa,Xataa Cali Mareexaan Markuu Hawlaha Guud Yimi Dee Waad la socotaan Halkay wadadii Marayso Markii Xirsina uu Deynta Welibana kusii Jaray”Ayuu Yidhi Siyaasi Jamaal Food

Dhinaca Kale Wuxuu Ka jawaabay Siyaasi Food Dhaliilo uu sheegay inuu u soo Jeediyay Xisbiga Waddani oo uu Hore uga Tirsanaan Jiray isla markaana Xagxagasho Ku Bilaabay Markii uu ka Diga Rogtay Isagoo Gaar ahaana Wax Laga Xumaado ku Tilmaamay Muniir Axmed Cigaal oo uu sheegay inuu Yahay Tuug Jaanis Helay oo Xirsi Markii Wasiirku ahaa Awoodii Shacabka Ka Dhaxaysay Uga Faaiideeyey Kadib markuu Jaraaid u Furay isagoo aan Saxafi Ahayn,isla markaana Yurub Caydha ku Qaata Waxaana uu yidhi

“ Waxaan Leeyahay Hadaan Xisbiga Ka Tagay Dee Garan mayo Anigu waxa Waddani ii Daba Socdo,Xisbigana Waxaanu uga baxnay qabyaalad iyo Musdanbeed iyo welibana Nin Yidhi Hogaamiye ayaan Ahay oo yidhi Cid Reerkayga ah oo Kusoo Mari Kartaa Ma jirto,Aniga uun baa ay isoo Marayaan ,Dabeetona Ay Welibana iska Kay soo Caayeen Waxaanan u sheegayaa Wiilka Yaree Yidhi Muniir Baa lay Dhahaa In la is Habaaro Maaha,Waxaanse sheegayaa Waa la Is Wada Garanayaa,Maadaama aad tiri Wasiir Cadaani Baa Waraystay Nin Xanuunsanaya,Waxaana aad ku haystaa Xoolihii Dadweynaha ee Xirsi Kaaga Qoray Warfaafinta  ayuu kaa Jaray oo Intaas Baad isaga Ku haysataa,Waana Ognahay  Inaad Meelahaas kaga Calaacasho Waan ku degdegay Inaan Xirsi Raaco oo aan Iskaga Tago 2500 dolar oo aan Madaxtooyada ka Qaadan Jiray,Adeerkaa Makhaayaduu Lahaa Markaad aydii Galoolka lahayd ka Timi Waa la Wada Garanayaa Iyo Sidaad Dalka kaga Tahriibtay,Caydha aad Yurub ka Qaadataana Inay Shaadhka kaa Weynayso Maaha Anagu Dalkayagii Baanu Joognaa,Maaha inuu Qofku Ilaawo Noloshii Adkayd ee uu kusoo Koray oo Dadka Iska Caayo waayo Odaygii Bille Waa kii hotel barwaaqo Ku Keenay Sidoo kalena Gabadhii Halkaas kaa Tahriibisay Waa ay kugu Qasaartay oo Waad Ogtahay Hadaadan Is yeelyeelayn” Ayuu Yidhi Siyaasi Food.

“Maxamed Kaahin Anigu Hadaad Is Qabataan Kuuma soo raaceen oo Hadaadba Maagto Xataa kaagama Jawaabeen Balse Adigu Xirsi baad leedahay Anigaa Kaa Xiga oo lama hadli Kartid,Hadaad ugu Hiilinayso Xoolihii umaduu ii Xaday intuu Xilka Hayay oo Guri buu ii dhisay,Waar Gurigaas Salaadu Kuugu Bixi Mayso oo Waa Xoolo Dadweyne ee La Soco,ta kale Markaad Harjadka Ahayd Ayuu Xirsi Wax ku tari Lahaa,Hadaad Noqotay Tuug Jaanis Helay oo Adeerkii Awood lahaa Markaa Maanta maxaad la Qaylinaysaa Ma Waxaad ka Samri ladahay Xoolihii Umadee Bilaashka ahayd ee aad iska Xantoobsanaysay Waddanigan aad ka tirsan tahayna Waxaad ka tahay Dhoobi Geel aanu Lahayn Raacaya adiga iyo Inta Kula Midka ahiba  “ Siyaasi Food.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.