Siyaasi Axmed Muumin Seed oo Kulamo Gaar Gaar ah ka bilaabay magaaladda Boorama

Boorama – (warsoor) – Gudoomiyihii hore ee garabka toosinta Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed haatana ka mid ah saraakiisha Sarsare ee xisbul xaakimka talada dalka Haya ee KULMIYE ayaa maalintii shalay ahayd socdaal shaqo ku yimid xarunta Gobolka Awdal ee Boorama.

Siyaasi seed oo dhawaan si rasmi ah u shaaciyay inuu isaga iyo taageerayaashiisii Garabka toosintu ku biireen xisbul Xaakimka Kulmiye ayaa sida ay ilo xogogaal ahi Shabakada u xaqiijiyeen inuu si toos ah u bilaabay hawlaha Shaqo ee Xisbiga Kulmiye maadaama lagu jiro waqti doorasho.

Siyaasi Seed ayaa wararku waxa ay intaas ku darayaan tan iyo shalay inuu Boorama ka bilaabay kullamo xasaasi gaar gaar ah oo la yeelanayo bulshada noocyadeeda kala duwan ee Gobolka Awdal uu ka bilaabay guddaha Magaalada Boorama.

Dulucda Kullamadan sida ay u xaqiijiyeen Shabakada ilo wadareedyo ka ag dhaw Siyaasi Axmed Mu’min Seed ayaa la sheegay inuu daarnaa is badalka siyaasadeed eek u yimid dariiqii hore ugu jeexay taageerayaashiisa,haatana loo digo rogtay dariiqo cusub oo la dardargalinayo sidii looga wada qayb qaadan lahaa sidii loo taageeri lahaa Xisbiga Kulmiye oo ay musharaxiin u yihiin Mujaahid Muuse Biixi Iyo Eng Saylici.

Dhanka kale waxaa la filayaa in siyaasi Axmed Mu’min Seed uu sii joogo gobolka Awdal maalmahan Soo Socda waxaana la siina wado shirar doceedyada hoose ee uu la qaadanayo Bulshada Gobolka Awdal Iyo kan degmada Boorama ee Lagu Taageerayo Xisbiga Kulmiye.

Si Kastaba ha ahaatee siyaasigan oo taageero baaxad leh ka haysta Gobolka Awdal ayaa la filayaa inuu guul weyn oo la taaban karo uga soo hooyo xisbiga Kulmiye oo in mudo ah ku taamayay sidii uu mar uun gacanta ugu soo gali lahaa.

Cabdirashiid Cabdilaahi Cumar

Boorama-Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.