Siyaasi Axmed Ciga Yare Oo Kamid Ah Saraakiisha Xisbiga WADDANI Oo Ka Haddlay Arimo Miihiim Ah

Hargeysa – (warsoor) – Siyaasin Axmed Cige Yare oo kamid saraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka haddlay shir doceedkii Madaxweyne Siilaanyo kaga qayb-galay magaalada Burco ee fadeexada qawaan ee qabyaaladaysani ay hadhaysay iyo xadhiga sarkaalka Xisbiga WADDANI ka tirsan ee Muniir Axmed Cigaal  ee ay kula kacday xukuumadda KULMIYE.

Siyaasigan oo manta Xarunta Xisbiga WADDANI kula haddlay war-baahinta ayaa sheegay in  aanay Madaxweyne Siilaanyo dooran laba beelood,balse ay doorteen beelaha Somaliland oo dhan,waxaanu haddalkiisa ku bilaabay sidan”Sax ma’aha in qolo  gooniya iyo cid gaar ah lagyu shaanbadeeyo kacdoon Somaliland oo dhan ka dhacay Mudane Madaxweyne Haddii ay intii kale tidhi gaashaan-buurta ayaanu tageeraynaa Mudane Madaxweyne annaga oo ah beeshii aad ka soo jeeday iyo aasasayaashii KULMIYE kula ahaa waxanu taageeraynaa giraanta Somaliland in ay wax noqota ayaan taageeraynaa  in aan la kala lahaanin ayaan taageeraynaa in la iskugu faaliyo oo aan loo kala faalin ayaan taageeraynaa,”Ayuu yidhi Axmed Cige Yare

rtttqq

Siyaasi Axmed Cige Yare oo haddalkiisa siiwata ayaa yidhi“Waxaanu ku qanacsanahay intayadii WADDANI sii jootay ee hore ee reerka ahayd iyo intii isbahaysiga  ahayd ee xirsi Xaaji Cali hoggaamiyaha xisbiga WADDANI uu marka uu ku soo biirayba,waxaanu leenahay waxaanu wax ku noqonaynaa wada jir ,waxaan wax ku noqonaynaa mid-nimo,waxay horumar ku gaadhaynaa midnimo,kuma gaadhayno in dadka loo kala fiqiyo beel beel in dadka loo kala fiqiyo qoys qoys in qaran dhan oo midaysan la kala kaxeeyo,waxaan leeyahay raga saraxan ee wax doonayaa barmaamijkiina keena,lakiin ka daaya basha waadixa  ah ee qabyaalada ah ee aad leedihiin reer hebel iyo reer qansax haddii aynu nahay  dadka kale Somaliland xuquuq inaguma laha ee inaga ayaa xuquuq leh sax ma-aha Mudane Madaxweyne reer hebel iyo reer hebel kursiga isku dhiiba  qaranka sidaa ku shaqeeye ee kisii hadhow marka sadexaad badeli la sii diyaariyaa Mudane Madaxweyne sax ma’aha, “

Dhanka kalena waxa uu ka haddlay xadhiga siyaasiga Xisbiga WADDANI ka tirsan ee Muniir Yare “Muniir Axmed Cigaal oo ku xidh-naa waad ag-taagnayd ama waad arkaysay ee wax kale aan loo soo qaban waxa noo cadaatay in uu u xidhan yahay  arin siyaasadeed waan cambaaraynaynaa waxaan leenahay Madaxweyne Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,Madaxweyne waad I garanaysa waxaan ahaa kaatariintii Xisbiga KULMIYE raggii kula soo shaqeeyey ayaan ahaa  raggii kaaga tegay amba xisbiga kaga tegay  aragti siilaanyo debadii amba Madaxweynaha ka bacdi ayaa dalka xukumaya raggii ayaan kamid ahaa sidaa raggii ku galay Xisbiga waddani ayaan ahaa, Md Madaxweyne dhaqankaaga may ahayn in qof lagu cabudhiyo amba lagu qabto oo todoba cisho ku dhaw jeelka lagu hayo oo la yidhaahdo fikir odhanaya oo aan umalaynayo inuu Muniir ka haddlay maxaad noo soo raaci weyday”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.