SIYAASADDA: HOGGAAMIN & LACAG SAMEE (Politico: leadership & making money)

Waxaa la yiri; siyaasadda inta la arki karo, waxay noqoneysaa sidii; in qof walba oo siyaasi ah ama siyaasadda u dhuun daloola inuu rabo ama ku mashquulsan yahay sidduu lacag uga sameyn lahaa xilkaas iyo jagadaas siyaasadeed.
Waxaa kaloo intaas raaca inuu wax walba u arko fursad la jiiri jaro iyo wax lagu durdurin karo iyo inuu wax walba u adeegsado iney yihiin horudhaca horumarkiisa ee uusan u qaadan iney tahay mas’uuliyad.
Intaas waa sidduu qabo cilmiga aragtidda ( optics science ).

Laakin, siyaasadda intaas wey ka gun dheer tahay gaar ahaan, markii loo fiiriyo ama loo qaato dhinaceedda hoggaaminta iyo is waafijinta wejiyadda, aragtiyadda iyo danaha kala duwan ee shacab weynaha Somalida.
Haddaba, su’aasha dhigaalka waxay leedahay; siddee loo heli karaa bulsho weyn Somali oo ka gudub sameyn karto?
Dunidda maanta waxaa leysku dhaafay oo lagu kala horumaray waa siyaasadda iyo afarteedda bahood oo si wanaagsan loo maareeyo.

Somali haddii ay wax walba diiday sida; dib u heshiisiintii, wada shaqeyntii, tanaasulkii, wada hadalkii, isu soo dhowaanshihii qiimahoodda iyo midnimaddii waxay u egtahay iney siyaasadda ka arkeen inteedda muuqata oo aysan arkin inteedda kale ee aan muuqan.
Taaso sababtay, in muddo dheer ay dhib aan dhammaad laheyn ku jirto.

Geedaha waaweyn inta ay dhulka u jiraan ( dherer ahaan ) iyo inta ay dhulka ku duugan yihiin keeba dheer?
Somaliyey, haddii aad rabtaan in markabkiinna shiraacdo, badaha la maro geeddo ma lahee, iska ilaaliya barafka badaha dhexdoodda.
( iceberg optics )