“Siyaasada Maal-gashiga Ayaanu Dhiiri-galinay, Todobadii Sanno Ee Xisbiga Kulmiye Talada Hayeyna Waxa Dalka Ka Hirgalay Warshado Badan Oo Aan Hirgalin Wakhtigii Hore.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Hargeysa – (warsoor) –  Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka hadlay siyaasada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee warshadaynta dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in todobadii sanoo ee Madaxweyne Siilaanyo uu talada dalka hayey uu wadanka ku dhaqan siyaasad furfan uu dhiiri-galisay maalgashiga, sidoo kalena hirgalisay in wadanka laga dhiso wershado, Mudane Xaashi ayaa arrimahaasi kaga hadlay khubad uu ka jeediyey munaasibad baaladhan oo xadhiga laga jaray Warashad samayn doonto Kiniinigiska ama softiga, waxana hadaladiisii ka mid ahaa  “ Runtii waa madal farxadeed oo hadalka ugu mudani uu yahay in halkan aynnu ka boggaadino mulkiileyaasha shirkadan ka hirgaliyey dalka, aniga oo munaasibad ka faa’iidaysanay waxaa halkan boggaadin iyo hambalyo ugu soo jeedinayaa ganacsatadii iyo mulkiileyaashii warshadan Nuuriya hirgaliyey inay soo saarto dalkani alaab uu u baahan yahay oo badanaa dibadaha laynooga keeno, waliba tayadooda aynaan aqoon, aad ayaan ugu boggaadinayaa.  Mar labaad himiladaas  iyo hal-abuurkaasi waa wax mudan in lagu xasuusto waxaanu soo dhawaynaynaa in la taageero, in lays barbar-taago raggaa muwaadiniinta ah, dalalka dunidu waxa ay maanta ku tartamaan in laga hirgaliyo maalgashi, wadamada dunida ugu waaweyn ee isku filan ayaa soo jiita maalgashi caalami ah.”

Mudane Xaashi ayaa ka hadlay qaabkii XUkuumadu u wajahday maamulka siyaasada Wershada waxaanu yidhi “ Annagu xukuumadda Xisbiga KULMIYE ee Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay, siyaasada maal-gashiga ayaanu dhiiri-galinaa, todobadii sanno ee xisbiga Kulmiye talada dalkan hayeyna waxa dalka ka hirgalay warshado badan oo aan ka hirgalin Somaliland wakhtigii hore, wershadaha biyaha ayaa batay,  biyaha waxa laynooga keeni jiray dibadda, 2010-kii biyo badan ayaa dibadda ka iman jiray, maanta hal caagad oo biyo ahi dibadda inoogama timaado, dalka ayaa lagu sameeyaa. Waxaanu dhiiri-galinay wershadlayda biyaha, waxaannu kordhinay cashuurtii biyaha dibadda, iskamay baaqan, waanu cadaadinay, cashuuro dheeraad ah ayaannu saaray, biyihii wadanka ayey la tartami kari waayeen, sidaas ayey biyaha wadanku ku hirgaleen.”

Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena ka hadlay dhismaha wershada sibidhka ee Berbera waxaanu yidhi “ Waxaanu dhiiri-galinay wershadihii soo saarayey saabuunta wadanka, waxaanu cadaadinay saabuunihiii dibadda ka iman jiray oo cashuur dheeraad ah saarnay, ma odhan karno saabuun lama soo dejin karno, waayo ganacsigu waa xor, waxaanu saarnay cashuur dheeraad ah, waayo labada wershadood ee saabuunta ee Burco dad muwaadiniin ah oo badan ayaa ka shaqeeya, warshadaha kumaan kun ayey ku dhaw yihiin, waxa kale oo maalmahan gacanta lagu hayaa wershadii sibidhka, wershadaasi way raagtay khilaaf ayaa dhex galay mulkiileyaashii, waanu ururinay, maanta qarka ayey u saaran tahay, wakhti dhaw ayey furmi doontaa Isha-Allaah, siyaasad hufan oo qeexan ayaannu qarankan ku wadnaa, Wasiirka Wershadaha Shucayb waan ku boggaadinayaa siyaasadii Madaxweynaha isaga oo fulinay ayuu talaaooyinkaas qaaday.”

Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

 

Hargeisa – Republic of Somaliland
            nasirnaska77@gmail.com
Tell: 63-4423774

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.