SIDEE AYAAD U KORDHIN KARTAA XADDIGA DHIIGGA KUGU JIRA?

Hemoglobin waa protein -barootiinkaa oo ku dul yaal unugyada cascas , shaqadiisuna waa in uu inoo xambaaro hawada oxygen.

sidoo kale waxa ay qaadaa oo ay jidhka ka saartaa qashinka hawada carbon .

haddii ayna jirin ama ay dhiigga ku yartahay maadada hemoglobin waxa hoos udhac weyn uu ku imaadaa hawo mareenka iyo hawo qaadashada , taasna qofkii saamayn aad u weyn ayey ku keentaa.

XADDII INTEE LEEG AYAA LA IIGA BAAHAN YAHAY OO DHIIG AH IN AY JIDHKAYGA KU JIRTO?

RAGGA ,waxa looga baahan yahay 13——-16mg/dl.

DUMARKA , waxa loo ga baahan yahay 12–16mg/dl.

CARUURTA, 9—-15mg/dl.

CALAAMADAHA DHIIG LA’AANTA.

-Awood la’aan.

-Daal-badan.

-Caabuqa oo kugu soo noqnoqda.

-Baabocooyinka iyo lugaha oo qabooba.

-Dawakhaad badan.

-caddaan ama cawlaan cassaanki oo ka taga indhaha .

MAXAA HOOS U DHIGA XADDIGA DHIIGA KUGU JIRA?

  • Heerka iron-ta oo hoos u dhacda(iron deficiency anemia).
  • Hooyadu marka ay uur qaaddo.
  • Caabuqa beerka ku dhaca.
  • Caabuqa kaadi haysta ku dhaca.
  • Xanuunada jiitama.
  • Dhiig baxa.
  • Sigaarka iyo dhammaan balwadaha.

SIDEE AYAAN KOR UGU QAADI KARAA XADDIGA DHIIGA?

-Isticmaal cuntooyin ay ku badan-tahay IRON ( hilibka,beerka ,kaabajka, koostada iyo tamaandhada).

-Isticmaal cuntooyinka fiitamin B aad ugu badan tahay sida (hilibka lo’da,afakaadada kostada iyo kelyaha xoolaha).

-Iscticmaal cuntooyinka ay ku badan tahay follic acid ,(afkadaadada ,kabajka , kostada ,baytaraafka iyo cuntooyinka galka leh).

HADDII AY XAALADU ADAGTAHAY OO HEERKA DHIIGA KUGU JIRAANA UU AAD UGA YARYAHAY 10MG/DL WAXA SIDEGDEG AH UGU BAAHANTAHAY :-

-KINIINO sida fiitamino (kiniinada ay ku jiraan vitamin b complex ,iron iyo follic acid).

-sharoobooyin sida hema-da .

HADDII DHIIGU QOFKA UU KAYARADO OO UU GAADHO 8MG/DL(LITTER), MAXAA XAL AH?

Qofkaas waxa uu aad ugu baahan yahay dhiig, waa in si degdeg ah loo geeyaa goob caafimaad.

dhakhtarka goobtaas caafimaad jooga ayaa goaanka iyo xalka kor loogu qaadi doono kuu sheegi doona.