Shirweynihii Shuurada Ee Guddida Wanaag Farista Oo Hargeysa Lagu Qabtay

Hargeysa – (WARSOOR) – Shir weynaha guud ee guddida shuurada ee gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa lagu qabtay magaalada hargaysa kaasoo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mida golaha wasiirada, gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada, badhasaabka gobolka maroodi jeex,xildhibaano culimo iyo dad weyne kale.

Gudoomiyaha gudida guud ee gudida wanaag farista iyo xumaan reebista oo ugu horreyn munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in camalka ay gudidu u hayso bulshadu uu yahay camal Diini ah maadaama Diintu ay tidhi wanaaga is fara xumaantana reeba.

Waxa iyaguna sidoo kale halkaasi ka hadlay qaar ka mida guddida iyo culimada dalka oo sheegay in gudidu ay iskeed isu xilqaantay iyagoo sheegay in xukuumadana ay uga mahad celinayaan taageerada ay la garab taagantay.

Wasiirka wasaarada Diinta iyo Awqaafta Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani), wasiirka wasaarada horumarina maaliyadda Sacad Cali Shire, badhasaabka gobolka maroodi jeex Maxamed Cilimi, wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Xildhibaano ka mida golaha wakiilada oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in guddidu ay bulshada xil weyn ay u hayso islamarkaana la ogyahay doorka ay qaranka kaga jiraan waxaanay ugu duceeyeen in Ilaahay ku asturo xilka ay hayaan.

Guddoomiye ku xigeenka golaha wakiilada somaliland mudane Siciid Mire Faarax Giirre oo isna ka hadlay halkaasi ayaa sheegay in guddidu ay waajib khayri ah umadda u hayso bulshadeena isla markaana uu ugu baaqayo in ay la shaqeeyaan guddida maadaama ay ka shaqanayaan tarbiyadda iyo wacyigalinta suubaan ee bulshadu ay u baahantahay.