Shirweynihii 4aad ee ururka qareenada Somaliland Solla Somaliland Lawyers

Hargeysa – (WARSOOR)-Shirweynihii 4aad ee ururka Qareenada Somaliland oo labadii maalmood ee u dambeeyey ee ka socday Magaalada Hargeysa gaar ahaana Huteelka Maansoor, oo ay ka soo qaybgaleen Dhamaan Xubnaha Ururka ee Ergooyinka Gobolladda iyo Degmooyinka Somaliland, ayaa lagu doortay Xubnaha hogaamin doona ururkaasi muddada labada sano ee socda.

Xubnaha hogaanka cusub ee shirweynaha afraad ee ururka qareenada Somaliland lagu doortay ayaa kala ah Guddoomiye Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo),oo hore u ahaa Xoghayihii ururkaasi halka Guddoomiye Ku xigeena waxa loo doortey Garyaqaan Cabdinaasir Yuusuf Cabdilaahi, islamarkaana Xoghayaha ururka Qareenada waxa loo doortey Jamaal Xuseen Axmed Ducaalle, Waxa kale oo Shirweynahan lagu doortey Xubnaha Golaha Dhexe ee Ururka Qareenada Somaliland ee Solla.
Inkastoo Shirweynahani ahaa kii afraad ee noociisa ah oo ay qabsadaan Ururka Qareenada Somaliland ee Solla waxaa u tartamay Guddoomiyanimnada Ururka saddex xubnood oo kala ahaa Garyaqaan Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) oo hadda isagu ku guulaystey xilka Guddoomiyanimada waxa uu helay 66 cod, halka Garyaqaan Maxamed Siciid Xirsi uu isna helay 47 cod iyo Garyaqaan Farduus Maxamuud Gahayr oo iyaduna heshay 7 cod, iyada oo guud ahaan tirada ergooyinka Qareenadu ahaayeen 119 Ergay iyo 3 Shirguddoon ah.

Sidoo kalena waxa Xilka Guddoomiye Ku xigeenka u tartamay markii hore Saddex Xubnood (1)-Cabdinaasir Yuusuf Cabdilaahi 90 cod helay, balse waxa ka tanaasuley labadii xubnood ee kale oo ahaa garyaqaan Barkhad Jaamac Aar iyo Garyaqaan Xamse Maxamuud Xasan.

Sidoo kalena waxa isku Sharaxey Xilka Xoghayaha Guud ee Ururka Solla laba xubnood oo mid ka mid ahi tanaasulay waxaana ku guulaystey garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed oo helay 93cod, halka uu ka tanaasuley Garyaqaan Daahir Maxamed Faarax (Daahir-Ciyaale).

Shirweynahan Afraad ee Ururka Qareenada Somaliland ee Solla waxa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland, Wasiirka Caddaalada iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Waliba ururada Bulshada Rayidka ah iyo garsoorayaal tira badan iyo Xubno dhinaca Caddaalada ah oo Madaxbannaan