Shirweynaha Dhallinyarada Xisbiga KULMIYE oo ka Furmay Hargeysa iyo Nuxurka Khudbadaha laga Jeediyey

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa daah-furay shirweynaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, kaas oo si rasmi ah uga furmay hutel Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta.

Munaasibadda daah-furka shirweynaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa waxa ka qaybgalay, madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada, xildhibaanno, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna Murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ku-xigeennadiisa, hoggaanka garabka dhallinyarada ee heer qaran iyo heer degmo, haween, marti-sharaf kale iyo ku dhawaad 1500 ergay oo ka mid ah dhallinyarada xisbiga ee ka qaybgalaya shirka oo isaga kala yimi gobollada oo dalka.

Ugu horrayn waxa halkaas ka hadlay guddoomyaha garabka dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, Md. Cabdi-najax Siyaad Aw Cabdi, ayaa madasha ku daahfuray hadallo ku saabsan waxqabadka xisbiga KULMIYE iyo weliba sida uu mar walba xisbigu muhiimad gaar u siiyo da’yarta dalka, taas oo horseedday inay dhallinyaro badani taariikhda markii ugu horray qabtaan xilal culculus oo aan hore loogu aamini jirin, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Waxa aan la iska indho tiri Karin oo taariikhda ku suntan waxqabadka xisbiga KULMIYE iyo horumarka la taaban karo oo insha allah baal dahab ah taariikhda lagaga xardhi doono, taas oo dhiirrigelin iyo rejo-ba ku abuurtay dhammaan dhallinyarada Somaliland, Xukuumaddanina waa xukuumaddii horumarka iyo dhiirrigelinta iyo kor u qaadista hanka dhallinyarada Somaliland, waxana ay ku dhiirratay oo ka badheedhay inay deyrkii iyo xayndaabkii yaraa ee dabarka ku ahaa siyaasadda dhallinyarada ay ku dhiirrato oo goleyaasha qaranka laga ansixiyo in dabarkii la qaado, waana taasi maanta sababtay xubnaha golaha deegaanka ee ugu da’da yar.”

Wasiirka wasaaradda madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna halkaas khudbad ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday guulihii isdaba joogga ahaa ee uu xisbiga KULMIYE gaadhay iyo sidii uu uga soo gudbay caqabado tiro badan oo ku gedaanaa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in guul kasta oo uu xisbiga KULMIYE gaadhay ay dhallinyaradu sabab u ahayd, waxana uu yidhi, “Waxan rumaysanahay in saddex arrimood ay horseed ka yihiin inuu xisbiga KULMIYE guulo waaweyn gaadha gobollada dalka intooda bandanna aqlabiyadooda hoggaamiya, dhammaanba doorashooyinkii dhacay, kuwaas oo kamid tahay inuu xisbiga aasaasay hoggaamiye leh aragti dheer, xisbi leh barnaamij iyo qorshe uu bulshada usoo bandhigo oo uu quluubtooda ku kasbaday iyo ta ugu weyn oo ah inuu KULMIYE ahaa xisbigii kasbaday haldoorkii  iyo aqlabiyaddii dhallinyarada, waana ta uu KULMIYE ku guulaystay waxana uu hawlgeliyey dhallinyaro badan oo aan lacag la siinin, gunno lagu kaxaysan karin oo mabaad’ii siyaasi ah aaminsan.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna si hufan u sharraxay waxyaabaha diirrada lagu saari doono shirweynahan, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin xoojinta kalsoonida da’yarta iyo weliba is aaminaadda bulshadu, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“qoddobada shirkani falanqayn doono  oo aynu doonayno inaynu halkan ku lafo gurno oo dad aqoonyahan ahi lafo guri doonaan waxa kamid ah inaynu falanqayno kalsoonida dhallinyarada, waayo marka dalalku ay kasoo baxaan dagaallada waxa luma kalsoonida iyo is aaminta dadka iyo wax wada qabsiga, waxana aynu doonaynaa inaynu halkan ku abuurto in da’da yaryar ee dhallinyaradu ay ka baxaan raadadkii dagaalladu maskaxdooda ku sameeyeen oo ay noqdaan qaar iskaashada oo ka baxa qoqobnaanta oo wax isku darsada, Shirkani waxa uu lafo-guri doonaa sidii uu u abuuri lahaa iskaashiga, isku kalsoonida, walaaltinimada iyo wax-wada lahaanshaha dhallinyarada Somaliland oo dhan.”

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu intaas,“Shirku waxa uu dersi doonaa mashaakilaadka dhulka, maantana Somaliland dhibaatada udu weyn waxa kamid mushkiladda dhulka, Jagada Hargeysa ku taalla, ama Burco ama Boorama waxa ay ka qaalisan tahay maanta jagada ku taalla Newyork iyo midda Tokyo, macquulna ma aha, markaa ma hodan-tinimaaa, ma tijaarad aynu gaadhnay baa mise waa dhibaato inagu soo socota. Waa su’aal u baahan inaynu aad u derisno.”

Guddoomiyuhu waxa uu sharraxaad dheeri ah ka bixiyey dhibaatada dhulka ee dalka ka taagan, isaga oo si gaar u dul joogsaday mushkilladda ka taagan dhulkii dadka dhinta lagu aasi lahaa oo lacag adag haatan noqday,“Dhulka ilaahay wuu ina wada siiyey, waxana wada leh ka dhintay ee meydka ah iyo ka soo dhalan doona boqolaalka sano ee soo socda, dadkeena maanta talinayana waxaynu u baahanahay in dhulka loo qabyiyo oo ay wada lahaadaan kuwa dhallan doona boqolaalka sano ee soo socda iyo ka dhintay ee meydka ahi, dhibaatooyinka ina haystana waxa kamid ah in maanta xabaalaha dhul loo iibiyo, dhulkii ilaahay meydka xaqa u siiyey, ayaa maanta lacag aan caqli gal ahayn nin odhanayaa halla iga iibsado, waxa aynu u baahanahay talo aynu dhulka lagu wada lahaado”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu Muuse Biixi bulshada xusuusiyey fursadaha hortooda yaalla ee aanay weli ka faa’iidaysan, waxana uu tusaale usoo qaatay sibidhka aynu lacagta adag dibadda kaga soo iibsanno, xilli aynu hagranay wershaddii sibidh Berbera oo u fadhida dhaqaale aan gacanta bulshada ka baxsanayn, waxana uu yidhi,“si aynu shaqo la’aanta uga baxno waa in dadka lihi is aaminaan iyada oo tilmaamo la raacayo, doqoniimooyinka inaga dhacay lixdii sano ee ugu dambeeyey waxa kamid ahi naynu nahay dadka wershidoodii sibidhka samaysan kari waayey ee maanta dalka jaarkooda ah kasoo iibsada sibidh qaali ah ee maanta waddadii  yarayd ee ay samaysteen baabuurta 40-ka tone ahi ay burburiyeen ee aan dhaadaynin, waxana aynu samaysan kari weynay dadkeenii hantiilayaasha ahaa ee waaweynaa ayaa is aamini kari waayey oo wax isku darsan kari waayey oo samayn kari waayey warshadii sibidhka taladii ay isku  aamini lahaayeenna ee ay iyagu wax iskugu darsan lahaayeenna waynu u fadhinaa shirkan maanta aynu joogno.”

Guddoomiiyuhu waxa si cilmiyeysan jawaab uga bixiyey hadallo dhawaanahan kasoo yeedhayey masuuliyiin katirsan xisbiga WADDANI oo dalka dibaddiisa ku maqan, waxana uu kula taliyey inay lacagta ay huteellada qaaliga ah ku bixinayaan ugu kaga qayb qaataan abaaraha dalka ka jira,“Xisbigii WADDANI Geelle Maroor buu noqday oo wuxuu kasoo qaliyey Nairobi, waxanse leeyahay waa geddii Geele Maroore waddadii Ceerigaabo anaa samaayey iyo abaarihii baan ka gurmadaye, hadduu Geele Maroor ka guntaday huteelka Serina toban reer Geelle Maroor ah baa seexda, cunatadu waa Boqol Dollar ninkiiba, tobankoodu habeenkii waa saddex Kun, tobankii cishona waa Soddon kun oo dollar, taasina abaarta waxbay ka qaban lahayd abaarta jirta”ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuurriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa isaguna daaf-furka shirkan ka jeediyey khudbad uu diirrada ku saaray mihiimadda ay dhallinyaradu bulshada dhexdeeda ku leeyihiin iyo weliba doorka ay ka ciyaareen kobcinta dhaqaalaha iyo weliba fidinta aqoonta, waxana uu yidhi, “Waxa hubaal ah, in Dhallinyarada Dalka ee aad ka midka tihiin, ay yihiin labeenta, laxaadka, iyo laf-dhabarta uu ku faanayo qarankan yagleesha ah, ee loo soo daadiyey dhiigga iyo dhididka faraha badan. Ummad aan da’yar lahayn, waxay ka dhigan-tahay beer aan baad iyo biyo toonna lahayn, haddaba waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo hawada u mariyo, dhammaan Dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, dedaalka, iyo doorka ay kaga jiraan dib-u-dhiska dalka, adkaynta nabadgelyada, fidinta aqoonta, kobcinta dhaqaalaha dalka, taaba-gelinta iyo difaaca qarannimada.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata Waxa uu dhallinyarada iyo guud ahaan taageerayaasha kale ee xisbiga KULMIYE-ba ugu baaqay inay si buuxda u taageeraan murrashixiinta xisbiga KULMIYE ee xilligan, si loo gaadho hadafyada iyo himilooyinka uu xisbigu leeyahay, “In kasta oo ay Xukuumadda Xisbiga Kulmiye wax-weyn qabatay, hadana waxa dhab ah inaan muddo xileed keliya wax walba lagu xaqiijin Karin,haddaba, si aynu halkaa uga sii ambaqaadno wax-qabadka iyo horumarka aynu seeska u dhignay, waxaan dhammaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, gaar ahaan dhallinyarada, ugu baaqayaa inay si buuxda isu-garab-taagaan Musharixiinta Xisbiga Kulmiye ee Doorashada Madaxtooyada, waxaan u arkaa, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Mudane, Cabdiraxmaan Ismaaciil Cabdillaahi, in ay yihiin hoggaamiyayaal ku munaasib ah, in ay halkaa ka sii wadaan hamigaygii siyaasadeed iyo himilooyinkii Xisbiga Kulmiye uu ku doojin lahaa dalkan,” ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Waxa kaloo shirkan oo socday labadii galinba lagu faaqiday mowduucyo la xidhiidha mustaqbalka iyo dhallinyarada Somaliland, kuwaas oo ay soo bandhigeen aqoonyahan iyo khubaro ka tirsan ka qaybgalayaasha shirku.

Halkan ka daawo qudbadii gudoomiyaha xisbiga KULMIYE:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.