Shirkii Golaha Wasiirrada oo laga Hadlay Arimaha Doorashada

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyay Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, ayaa uga warbixiyay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhammeystirka doorashooyinka

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda iyo dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay doorashadu ku dhammaato xilligii lagu heshiiyay.

Isagoo ka hadlayay amniga dalka, ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble faray hay’adaha amnigu in ay xoogga saaraan sugidda ammaanka dalka, isagoo faray laamaha amnigu in aysan ku milmin siyaasadda, xooggoodana isugu geeyaan la dagaallanka argagixisada oo ah cadowga ugu weyn ee dalkeenna hortaagan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ku dhaqmeyso siyaasad arrimo dibadeed oo ku saleysan halka ay ku jirto maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in aysan suurto gal ahayn in Soomaaliya ay colaadiso dalal ay kala dhexeeyaan dano badan.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasiirrada iyo madaxda kale ee hay’adaha xukuumaddu in aysan ku tagri falin awoodda iyo hantida qaranka xilligan kala guurka ah.