Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani oo Maanta Hargeysa Ka Furay

Hargeysa – (warsoor) – Waxaa maanta galinkii hore magaaladda Hargeysa si rasmi ah uga furmay shirweynaha Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI shirkan oo ka dhacay huteel Ambassador ee magaaladda Hargeysa waxaana ka soo qayb-galay hogaanka xisbiga iyo masuuliyiin ka socday xisbiyadda qaranka Somaliland.

Shirkan oo muddo laba maalmood ah ka socon doono huteel Ambassador waxaa si rasmi ah loogu dooran doonaan musharaxa madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka ee xisbiga WADDANI. Doorashada uu Gudoomiye Cirro aanay ciddi kula tartami doonin. Balse waxaa doorasho adagi dhex mari doontaa maalinta barito ah Gudoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee xisbiga Axmed Muumin Seed iyo Ambassador Maxamed Cali Cabdi.

Shirkan maanta waxaa ka hadlay furitaankii shirka gudoomiyaha xisbiga waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa madasha ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga hadlay barnaamij siyaasadeed xisbiga WADDANI iyo waxyaalaha u qarshaysan inuu qabto, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa, “Xukuumadda WADDANI waxay labanlaabaysaa miisaaniyad sannadeedka oo gaadhsiinaysaa ilaa $500 malyuun, taas oo shanti sannadood noqonaysa 2.5 bilyan. Dakhligaa waxay Xukuumadda Waddani u qoondaynaysaa 30% horumarka. Siyaadeedna ma aha in cashuur culays keenta soo kordhisa ee waa in ay ta waajibtay hagaag u maamushaa”.

Gudoomiye Cirro ayaa sidoo kale sheegay inuu guryo u dhisi doono shaqaalaha dawladda waxaanu yidhi, “Dejinaysaa siyaasad tafatiran oo ka tarjumaysa daboolidda baahida hoyga dadka Jamhuuriyadda Somaliland miyi iyo magaaloba. Waxay aasaasaysaa Wakaaladda Guriyeynta iyo Drayeelka Hantida Maguurtada Somaliland isla markaana dhisaysaa 1070 Guri oo dawladeed oo loogu talagalay shqaalaha, ccidanka, macallimiinta iyo dadka jilicsan; iyo 3000 guri oo kiro-iib la awoodo, muddo-xileedk hore”.

Shirkan waxaan iyaguna khudbaddo kaftano siyaasadeed ah ka jeediyey Afhayeenka xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Xasan Gaafaadhi waxaanu yidhi “Waanu soo dhawaynaynaa shirweynaga golaha dhexe ee uu qabsanayo xisbiga Waddani, waxaanan qirayaa in nimanka ka soo go’ay xisbiga kulmiye ee ku biiray Waddani inay wax badan tari doonaan xisbiga, xisbiga Kulmiye waxaan u rajaynayaa inuu dhawaan heli doono taageero balaadhan oo ka badan mida uu hada haysto.”

Waxaa iyaguna shirkan Golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ka hadlay xoghayaha guud ee xisbiga UCID Cabdinaasir Qodax oo ka hadlay shirkan ayaa ka waramay halka uu ka soo aasaasmay xisbiga Waddani waxaanu yidhi “Gudoomiyaha xisbiga Waddani waxa uu ka mid ahaa garabadii aanu xisbiga Ucid in ku dhaw 10 sano aanu soo wada duulaynay, waxaanan ku faraxsanahay in masuuliyiin ka so go’ay  xisbiga Ucid inay maanta shir weyne qabsadaan oo noqdaan xisbi qaran, waxaanan rajaynayaa inay Waddani iyo Ucid midkood dalka hogaamin doono.”

108a4048 108a4076 108a4103

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.