Shirkaddaha Laydka ee gaarka loo leeyahay oo Gaashaanka ku Dhuftay Qorshe uu Wasiirka Macdanta iyo Tamartu Doonayo inuu Adeega Laydhka uu Kooto Gaar ah ugu Xidho Shirkad Gaar ah

Hargeysa  – (warsoor) – Shir albaabaddu u xidhan yihiin oo maanta ka qabsoomay Wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland oo uu shir gudoominaayey Wasiirka Macdantu Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shirkaddda gaarka loo leeyahay u soo qordhigay go’aan uu ku sheegayo inuu kootu laydhka ugu xidhay shirkadda gaar loo leeyahay.

Shirkadda gaarka ah ee Laydhkan oo shirkan qayb ka ahaa ayaa ka soo horjeedsaday qorshahan wasiirku soo hordhigay, waxaanu gaashaanka ku dhufteen qorshihiisa, iyaga oo ku dooday in arintani ay dastuurka Somaliland meel ka dhac ku tahay.

Shirkaddahan qaadacay go’aanka Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland oo Kala ahaa Shirkaddaha Laydhka ka ganacsadda ee ka hawl-gala guud ahaan dalka oo kala ah: Shirkadda TEC, GAAFANE, GURMAD iyo National, ayaa si wadda jir ah shir jaraa’id ugu qabtay isla wasaaradda macdanta iyo tamarta waxaanay warbaahinta u sheegeen in aanay ogolaanaynin go’aanka wasiirku soo hordhigay, arintaana ay cabashadeeda hordhigi doonaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Axmed Siciid Cabdi  Mareeyaha Gaafane electric oo ugu horayn ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay in Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Somaliland dhibaato ka dhex abuurayo shirkadaha korontada waxaana hadalkiisii kamid ahaa “Waxaan u aragnaa inuu  wasiirku qas iyo iska horkeen  ka dhex wado shirkadaha  laydhka ee Somaliland, sababtoo ah anagoo intayadii kale dibada taagan ayuu shirkad keliya oo layidhaa Sompower kula shirayaa gudaha anaguna waanu ka soo baxnay shirkaa wax na khuseeyana maaha”.

Mudane Gaafane ayaa intaasi kudaray in ay fariin udirayaan madaxwaynaha Somaliland fariintaasi oo ah in uu wax ka qabto qaska iyo qalalaasaha uu wasiirku wado isagoo dusha u saaray wixii dhibaato ah ee halkaa ka yimaada in uu wasiirku masuul ka noqon doono.

Eng. Muuse Cali Cige  oo ah Maareeyaha shirkadda laydhka TEC ayaa sheegay in go’aamada maanta ka soo baxay wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland inay yihiin go’aamo udanaynaya shirkad gaara shirkadihii kaloo dhana suuqa ka saaraya “Go’aamadan maanta ka soo baxay wasaarada macdanta iyo tamarta waa go’aamo shirkad gaar ah u xidhaya suuqii xorta ahaa ee Korontada”ayuu yidhi Muuse Cali.

Muuse ayaa sidoo kale isna fariin u diray madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuuna ka codsaday in uu arintan soo faro geliyo waxna ka qabto inta aanay qalalaaso dhicin.

Maxamed xuseen Muxumed  oo ah Mareeyaha Shirkadda Laydhka ee National oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id ayaa sheegay in uu aaminsanyahay in aan magaalada cid loo xidhi karin suuqa laydhkuna uu xor yahay, dastuurka iyo sharciga Somaliland uu ku qoran yahay in ganacsigu xor yahay, waxaanu fariin udiray wasiirka macdanta iyo tamarta, waxaanu yidhi,  “Wasiirka waxaan leeyahay ka xishoo in aad cid gaara lashaqayso oo aad kooto ugu xidho laydhka iyo qiimihiisa iyo eeriyadiisa iyo sida uu ushaqaynayaba oo aanad abuurin wax amni daro ah”.

Sidoo kale waxa uu usoo jeediyay xukuumada iyo shacabkaba inay arkaan cida dantooda wada iyo cida kale, waxaanu sheegay in cida danta shacabka wadaa tahay cida aan cid gaar ah u xidhayn laydhka.

Maxamed Axmed Jaamac  oo ka socday shirkadda Laydhka ee Gurmad ayaa isna sheegay in shirka uu maanta wasiirka macdantu qabtay uu keenay inay iska horyimaadaan shirkadihii laydhku, waxaanu raaciyay hal shirkad inayna u afduubnaanayn ayna cambaaraynayaan go’aanka uu wasiirku shirka la hor yimid.

Bulshadda Somaliland ayaa si xor ah adeegyadda laydhka uga isticmaala shirkadda kala duwan ee dalka ka hawl-gala iyagoo ku xusha, qiimo jabin, laydh tayo leh iyo sida ay u kala adeegyo wacan yihiin. Waxaanay taasi keentay inuu laydhku jabo, sidoo kalena dadku helaan laydh jaban oo joogto ah.

Haddaba haddii ay xukuumaddu cid gaar ah u xidho suuq laydhka ee dastuurka Somaliland uu damaanad qaaday xoriyaddiisa, waxay keenaysaa in sidii la doono loogu amar ku taagleeyo bulshadda danyarta ah ee aan awoodi laydh qaali ah.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee ay qabteen shirkadda gaarka ah ee ka shaqaysta Laydhka Caasimadda iyo goboladda:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.