Shirkadda Telesom Oo Xidhitaanka Carwadda 4G++ Abaal-marino Gaadhi iyo Hadyaddo Kale Isugu Jirta Gudoonsiisay Macmiisheeda

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee Telesom ayaa xalay soo gunaanaday Carwo oo Saddex maalmood ka socotay huteel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, waxaanay shirkaddu abaal-marino iskugu jirtay gaadhi, smartphone-no ku shaqaynaya 4G++ iyo hadyaddo kale gudoonsiisay macmiil dhawr boqol ah oo ka soo qayb-galay carwadda.

winner-car cawro-n

Xafladdii xidhitaanka Carwadda Daahfurka Adeegyadda Shirkadda waxaa ka soo qayb-galay madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasin, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Boosaha Faysal Cali Sheekh, Marwo Dr. Adna Aadan, xoghayaha guud ee Rugta Ganacsiga Somaliland Ibraahim Ismaaciil Cali, madax-dhaqameed, culimo-awdiin, masuuliyiinta shirkadaha Telesom Group iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

maax

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md. Faysal Cali Sheekh oo khudbad kooban ka jeediyey xafladiixidhitaanka Carwadda Daahfurka Adeegga 4G++ ee shirkadda Telesom ayaa ugu horayn shirkadda Telesom ku amaanay horumarka ay ku talaabsaday, waxaanu sheegay in muddadii ay shirkadda TELESOM jirtay horukac mooyee aan amarnaba hoos u dhacku iman, horumar weyna ay ka samaysay dhinaca Isgaadhsiinta. Agaasimaha ayaa shirkadda Telesom ku amaanay inay tahay cashuurbixiyayaasha ugu waaweyn ee dawladda.

“Shirkadda Telesom runtii waxaan rumaysnahay inay tahay shirkadda ugu weyn dhinaca isgaadhsiinta ee Somaliland, uguna macaamiisha badan runtii. Waa shirkadda ilamaayo maalintii la aasaasay ilamaayo maanta oo aynu marayno 2016, intii ay jirtay kor ku kac mooyaane mar kaliya hoos u dhicin. Runtii hambalyadda iyo bogaadintaa waxaan u dirayaa dhamaan, hogaanka sare, madaxda kala duwan ee shirkadda, hawl-wadeenadeeda ayaan hambalyaddaa u dirayaa, waxaanan leeyahay hambalyo, hambalyo, hambalyo Telesom”, sidaasi waxaa yidhi Agaasime Faysal Cali Sheekh.

Agaasimaha ayaa shirkadda Telesom ku amaanay inay tahay cashuurbixiyayaasha ugu waaweyn ee dawladda.

Maamule ku-xigeenka Hawl-galiyaha shirkadda Faarax Sugaal Guure ayaa sheegay in shirkaddaTelesom adeegga ay bulshadeeda u soo bandhigayso ay markastaba ku dadaasho inay bulshadda u keento wax faa’iido u leh. Waxaanu sheegay internet-ku uu leeyahay dhib iyo dheefba. Waxaanu sheegay in shirkaddaTelesom ay lacag badan iyo dadaal badan ku bixisay sidii ay bulshadda uga shaan-dhayn lahayd waxyaalaha dhaxan-xumadda ah ee bulshadda baabiiya ee kujira internet-ka.

sugal

“Waxaan caan noqotay in Telesom sanad walba laga filo, maxaa soo kordhaya. Waxaanu idiin balan-qaadaynaa inaanu sanad walba wax cusub idiin keeno, taasaanan ku dadaalaynaa”, Faaraxa Sugaal ayaa intaasi ku daray, “Internet Telesom waxanu xaqiijinay in aan laga isticmaali karin, waxyaabaha fawaaxishka ah ee akhlaaq xumadda keena ee dhalinyaradda duleeyey ee dadka dhaqankiisa baabiiyey”. Sidaasi waxaa yidhi Faaraax Sugaal Guure.

Marwo Dr. Adna Aadan ayaa ka hadashay faa’iidada uu leeyahay qalabka Mifi-ga ee shirkadda Telesom ku soo bandhigtay carwadda waxaanay sheegay in maalin ay imtaxaan qaadayeen oo uu internet-kii ka xumaaday ay shaqooyinkii u yaalay oo dhan ku qabsadeen Mifi oo dhawr maalmood ka hor ay shirkadda ka qaadatay.

dsc_9294

Shirkadda TELESOM ayaa carwaddan daahfurka adeegga 4G++ waxay abaal-marino gudoonsiisay 105 qof oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-qaatay barnaamijkii tijaabi nasiib-kaaga. Barnaamijkan oo ay shirkaddu ku gaaryeeshay dadkii carwadda soo booqday.

Cabdiwahaab Maax Agaasimaha Arimaha Horumarinta Bulshadda ee shirkadda Telesom ayaa sharaxaad ka bixiyey shuruudaha looga baahan yahay qofka ku guulaysanayaa gaadhi yaalay goobta xafladda lagu soo xidhaayey, waxaanu yidhi, “Qofka ugu horeeya ee mobaylkiisu soo baxo ee goobta jooga ayuun baa baabuurkaa heli doona. Qof goobta ka maqani ma heli doono”.

Marwo Adna aadan ayaa gudoonsiisay mid ka mid macmiisha shirkadda Telesom ee ka soo qayb-galay xafladda xidhitaanka Carwadda oo magaciisa la yidhaah Xamse Maxamud Fure oo siday lambarka o634824882 ayaa ku guulaystya Gaadhi nooca raaxadda loogu talay ee Tayota Mark X,  waxaana isla goobta lagu gudoonsiiyey ninkaa dhaliyaro ah ee ku guulaystay Gaadhiga. Xamse ayaa shirkadda Telesom ugu mahadnaqay gaadhiga ay ku abaal-marisay isagoo ka soo dhex baxay dadkii faraha badnaa ee ka soo qayb-galay abaal-marinta carwadda.

carwo-m cawro-l carwo-k carwo-h carwo-c carwo-b carwo-g carwo-f carwo-e car

carwo-o carwoq dsc_0116 khdra

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.