Shirkadda Telesom oo si mug iyo miisaan leh uga qayb-qaadatay shirweynaha Horumarinta Tiknoolajiyada Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa wacdaro ka dhigtay shirweyanha Tiknoolajiyadda Somaliland oo maanta ka furmay huteel Maansoor ee magaaladda Hargeysa, Shirkan waxaa fulay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici. 

Shirkan waxaa soo qaban-qaabisay Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda ee Somaliland, waxaana ka soo qayb-galay xubno golaha wasiiradda ka mid ah, ganacasatada waaweyn ee dalka iyo qaybaha kale ee bulshadda. 

Guddoomiyaha shirkadda Telesom Cabdikariim Maxamed Iid oo shirkaasi khudbad ka jeediyey ayaa ka warbixiyey marxaladdihii tiknoolajiyadeed  dalku soo maray waxaanu sheegay in bishii October 2000 ay daahfureen shirkaddii ugu horeysay ee noqotay shirkadda bixisa adeegga Internet-ka (Internet provider). 

Muddane Cabdikariin Maxamed Iid, guddoomiyaha Shirkadda Telesom oo ka warbixiyey sidii ay dalka ugu hirgeliyeen khadka Internet-ka waxaanu yidhi, “Waxaanu ka soo qaadanay tiknoolajiyaddan oo aan heshiis la soo galnay shrkadda ETISALAT ee imaraadka Carabta. Waxaa ka horeeyey qolo Maraykan ah oo aan Dubia ugu tagay waxaanan ku idhi ‘Waxaanu rabnaa inaan satellite Internet idinkaga qaadano, wuxuu igu yidhi xaddigaad qaadan kartaa waa imisa?. Waxaan is idhi waxba buunbuunin ha ku darinee u sheeg, waxaan ku xidhi waxa ugu badan ee aanu qaadan karnaa waa 512kb, ninkii intuu si aad ah iigu qoslay buu yidhi, Cabdikariinow daarta halkaa ka soo jeedda ayaa 2mb qaadata, dal dhan ayaa 512kb u rabtaa miyaa?!. Waxaan ku idhi haayo Tiknoolajigu waa wax nagu cusub oo isbadal baa iman doona, wali dadkayagu qalabkii, tiknoolajiyaddi iyo aqoontii wali maanu soo kobcin. Wuu idiiday qolodaa imaaraadkaan u tagay ”, Sidaasi waxaa yidhi Cabdikariin Maxamed Iid. 

Cabdikariin Maxamed Iid ayaa sheegay in maanta shirkadda dalku ay isticmaalaan wax ka badan 100GB waxaanu yidhi, “Waana wax Ilaahay loogu mahadnaqo, waan runtii wax ay amaanteeda iyo wanaageeda leedahay xukuumadda Somaliland ee Allaha ha u naxariistee uu gundhigga u ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal”. 

Shirkadda Telesom ayaa sanad walba soo ban-dhigta adeegyo casriya, adeegyadaasoo qaarkood ay Somaliland magac weyn caalamka uga soo jiideen, sida adeegga ZAAD, oo hadda laga waddo dunida in loo guuro lacagta elektaroonig ah, sida daraasadda uu wadda maal-qabeenka Bill Gates. Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale soo bandhigtay adeegyo casriya oo ay ka mid yihiin sarifka lacagaha (Mobile Exchange), Internet-ka 4G, Adeegyadda: ILA-SOCO, Dhambaal, Aqoonmaal iyo adeegyo kale oo tiro badan. Shirkadda Telesom ayaa marwalba dadaal aan kala go’ laheyn ugu jirta inay dalka keento adeegyo cusub oo horumarka bulshadda ee dhinacyada aqoonta iyo dhaqaalaha wax weyn ku soo kordhin kara. 

Shirkadda Telesom ayaa dadaalka Tiknolajiyadeed ay ku jirto looga aqoonsaday dunidda waxaana sanadkii 2018 shirweynaha Tiknoolajiyada ee Afrika ee ka dhacay South Afrika ay shirkadda ka soo hoysey guul weyn oo loogu aqoonsaday inay tahay hogaanka Tiknoolajiyada ee Afrika 2018. Shirkadda ayaa hiigsanaysa inay noqoto hogaanka isgaadhsiinta ee dunidda haddii Alle idmo. 

Halka ka daawo warka warka Cabdikariin:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.