Shirkadda Telesom oo Sheegtay In aan Adeegga ZAAD Saamayn Ku Lahay Sicir Bararka Dalka Ka jira

Shirkadda – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa ka jawaabtay go’aankii ay xukuumaddu ku degdegtay ee ay ka soo saartay adeegga ZAAD ee shirkadda Telesom. Kaasi oo ay xukuumaddu sheegtay in $100 wax ka yar aan lagu shuban karin ama aan laga diri karin adeeggan.

Agaasimaha horumarinta Bulshadda ee shirkadda Telesom Cabdiwahaab Maax oo waraysi gaar ah siisay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in ZAAD-ku aanu habo-yaraatee wax go’aan ah ku lahay sicir bararka dalka ka jira.

Agaasimaha Cabdiwahaab Maax ayaa sheegay in go’aankan ay shirkaddu u aragto mid macnihiisu yahay hala xidho ZAAD.

Adeegga ZAAD ayaa ah adeeg ay si weyn bulshaddu isugu gacan qabato marka ay soo baxaan baahiyaha lacageed ee degdega ah oo uu qofku qofka ugu dhow ee uu lacag ku tuhunsan yahay uu taakulo weydiisto, waxaanu noloshadda bulshadda Somaliland eeku nool magaalooyinka waaweyn iyo tuulooyinka uu isku xidho dhaqdhaaqa maaliyadeed ee ay bulshaddu dhexdooda qaybsanayaa.

Qaraarkan ay xukuumaddu ku xadidayso lacag dirisita iyo lacag ku kaydsashadda adeegga ZAAD waxa uu adhax-jab weyn ku noqonayaa bulshadda danyarta ah ee biilasha iyo gurmadda kooban iskugu dira adeegga ZAAD, waxaana la filayaa in haddii go’aankan la dhaqan galiyo ay noloshadda bulshadda meelaha fogfoga ku nooli ay cidhiidhi galin doonto, gaar ahaan xiligan lagu jiro abaarta oo bulshaddu qoysaskooda ku nool miiyadda kolba wixii karaankooda ah ay ugu diriaan si maalinle ah ay u mariyaan adeegga ZAAD.

Halkan ka dhagayso waraysigii BBC-da:

 

https://www.youtube.com/watch?time_continue=114&v=fOe1eopD-G4

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.