Shirkadda Telesom oo Qalab Dhisme Ugu Deeqday Dadkii Waxyeeladu Ka Soo Gaadhey Duufaantii Salaxley Ku Dhufatay

HARGEYSA – (warsoor) – Shirkadda Telesom ayaa qalabka dhismaha ugu deeqday dadkii ay dhawaan waxyeeladu roobka duufaanta watay soo gaadhay ee ku nool deegaanka Salaxley.

Shirkadda Telesom ayaa dadka guryahooda duufaantu ka burburisaay  ugu deeqdey 500 oo xabo oo Sibidh ah iyo 2,000 oo xabo ii jiingado ah. 
Munaasibada wareejinta deeqdan ayaa ka dhacday magaalada Salaxley, waxaana shirkadda Telesom ka guddoomay deeqdaasi maamulka iyo madax-dhaqameedka degmadda.

Masuuliyiintii ka soo qayb-galay  munaasibada wareejinta oo isugu jiray maamulka shirkadda Telesom iyo maamulka iyo madax-dhaqameedka degmadda Salaxley ayaa halkaasi ka jeediyey khudbado kooban oo isugu jiray mahadnaq iyo bogaadin.

Halkan ka daawo faahfaahinta warkan hoos: